Kooxaha burcad badeeda soomalida ayaa sheegay in ay la wareegeen dooni waday dhuxul oo ka soo shiraacatay xeebta Gudhaa oo ay gacanta ku hayaan kooxda shabaab .
Mid ka mid ah kooxha burcad badeeda Somaalida oo magaciisa ku soo koobay Xasan ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay afduubteen doonidaan dhuxusha waday oo ku sii jeeday Dubai, waxa uuna intaa raaciyay in doonida laga afduubtay meel u dhow magaalda Kismamyo
Xasan ayaa sidoo kale reuters u sheegay in doonidaasi ay markii hore magalada Kismaayo gaysay cunto , ka hor inta aysan dhuxusaha Gudhaa ka soo qaadin oo aynan burcadbadeedu afduuban .
Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan koofurta wadanka Soomaliya ayaa dhoofinta dhuxusha waxaa ka soo gala sida la rumaysan yahay dhaqaale aad u fara badan taa oo ay u adeegsadaan hurinta colaadaha ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaliya
Dhoofinta dhuxusha ayaa dowladda Soomaliya ku tilmamantay mid sharci darro ah oo dhibaato u keenaysa degaanka.
Illaa iyo haatan lama oga halka ay kooxaha burcadbadeedu ula dhaqaaqeeen doonidaasi ay qafaasheen






