Iyadoo meel sare uu gaaray khilaafka u dhaxeeya Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah, kadib heshiiskii magaalada Addis Ababa ay kula saxiixdeen Dowladda KMG ayaa taasi waxay keentay in ay kala qeybsamaan Culimada.
Khilaafka aan qarsooneyn iyo kala qeybsanaanta u dhaxeeya labada dhinac ayaa marka hoos loo eego aanay ka marneyn mansab gaar ah oo qolooyinka ka wada tirsan ay wada doonayaan.
Garab cusub oo ka tirsan Ahlusunada Galgaduud ayaa u sii kala baxaya qeyb qeyb, waxaana garab ku sugan Caabudwaaq ay bilaabeen in ay mucaaradaan, isla markaana qeybtii kale ee Addis Ababa ku sugneyd ay ka sariibtaan.
Ahlu Sunah oo cudud ahaan ay ballaaran yihiin Ciidamadooda ayaa waxaa la dareemayaa khilaaf hoose oo xaga qabaa’ilka, waxaana bilowday in dhinaca Ciidamada loo kala soocdo hab beeleed.
Inkastoo aanu shaki ku jirin in Xubnaha Ahlu Sunah ee gobolada Dhexe ay beel ahaan labo dhinac ka soo kala jeedaan, hadana waxay ahaayeen kuwo isku fikir ka ah la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan Khawaarijta oo ay u yaqaanaan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Laakiin Culimadan oo ah kuwo loo yaqaano qunyar socod ayaa waxaa ka mid ah Culimo Suufiyiin Xer ah, kuwaasoo mabda’adooda uu aad u sareeyo, waana tan keentay in kala qeybsanaan weyni uu soo wajaho.
Xubnaha Ahlu Sunah ee ka soo jeeda Caabudwaaq ayaa u arka heshiiskan mid u daneynaya kaliya Xubnaha kale ee ka soo jeeda Dhuusa Mareeb iyo Guriceel oo ahaa kuwo marka la eego gaashaanka u hayay wada hadalada iyo hogaanka ururkaba.
Dadka odorasa Siyaasada ayaa sheegaya in marxaladaha ku soo kordhay Ahlu Sunah ay ugu yaraan, faa’ido u tahay Shabaabka oo u arka kala qeybsanaantooda fursad dahabi ah, ayna halgankeeda dahsoon uga faa’ideysan karto isku jeedka dhinacyadan






