Waxaa manta magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka koobka horyaalada qaarada yurub ee Uefa champions League koobkaas oo ka mid ah koobabka ugu xiisaha badan kubada cagta caalamka, markii ugu horeysay ayaa 6 wadan ay isugu yimaadeen koobka ka dib sanadkii 1999kii oo sidaana oo kale ay 6 wadan u soo baxeen.
Wadamada ay kooxahooda ka joogaan wareega sideeda ee koobka horyaalada qaarada yurub ayaa waxa ay kala yihiin Spain, Italy, Egland, Germany, France, Russia.
Waxaa finalka koobkan lagu qaban doonaa dalkaasi Spain iyadoo lagu qaban doono garoonka weynee kooxda Real Madrid ay ku ciyaarto ee Santiago Bernabue Stadium , inkasta oo koobkani ay ka hartay kooxda marti gelineysa.
Sideeda kooxood ee isugu soo haray wareega sideeda ayaa waxa ay ahaayeen:
Arsenal ,Manchester United, Barcelona ,Inter Milan, Bayern Munich ,Lyon, Bordeaux , CSKA Moscow
Hadaba isku aadka manta la qabtay ayaa waxa uu u dhacay sida tan:
Olympique Lyon vs Bordeaux
Bayern Munich vs Manchester United
Arsenal vs Barcelona
Inter vs CSKA Moscow
Lugta hore ee ee wareega sideeda ayaa waxa ala ciyaari doonaa 30 iyo 31 bishan March ee aynu ku jirno, halka lugta labaad la ciyaari doono 6da iyo 7da bisha April lee soo socota. Sidoo kale waxaa la sii qabtay sida ay kooxaha isugu soo aadi doonaan Semi-finalka am nus dhamaadka waxaana ay isugu soo aadi doonaan sida tan:
Olympique Lyon/ Bordeaux vs Bayern Munich/Manchester United
Arsenal/ Barcelona vs Inter/ CSKA Moscow
Finalka ayaa 22 ka bisha May ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Madrid iyadoo 8da koox ee haatan soo baxday labo ka mid ah ay halkaasi ku hardami doonaan, Manchester United ayaa u muuqata mid si fudud ku soo gaari karta Finalka laakiin waxaa weli horyaala shaqo culus oo ah inay soo dhafto koox Jarmal ah iyo kooxd Faransiis ah, halka Barcelona, Arsenal iyo Inter uu midkood soo istaagi doono Finalka. Barcelona ayaa iyada koobkan difaacaneysa waxaa qubaro isboorti ay leeyihiin waxaa laga yabaa mar kale inay Barcelona Finalka kuwada hardamaan Kooxda Manchester United.






