Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay la hadal haayay heshiis qarsoodi ah oo dhigayay Awood qeybsi ay ku gaareen magaalada Addis Ababa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa lagu wadaa in heshiiskaas maanta la soo gaba gabeeyo.
Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah ayaa maanta saxiixi doono Heshiiska awood qeybsiga ee dhowaan ku gaareen Addis Ababa, iyadoo munaasabad weyn ay ka dhici doonto magaalada.
Inkastoo tan iyo intii ay socdeen wada hadaladu Saxaafada si aad ah looga qariyay kulankaas ayaa hadana waxaa la filayaa in maanta Saxaafada lagu casuumo si ay qeyb uga noqdaan.
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka qeyb geli doono munaasabada, isagoo saxiixi doono heshiiskaas.
Sidoo kale Culumaa’udiinka Ahlu Sunah ayaa dhinacooda waxaa heshiiskaas u saxiixaya Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunah Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo shalay ka soo kicitimay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii wada tashi uu kula laabtay.
Munaasabada saxiixa heshiiska ayaa waxaa ka qeyb gala doona Saraakiil ka socota Beesha Caalamka, iyadoo heshiiskan uu noqonayo mid taariikhi ah oo labo dhinac oo awoodo siyaasadeed ku leh dalka ku gaaraan awood qeybsi.
Ahlu Sunah ayaa ka rajeyneysa Dowladda KMG in ay ka hesho ilaa shan wasiiro oo miisaan ku leh Wasaaradaha Dowladda, waxaana heshiiskaas uu noqonayaa mid Ahlu Sunah ay ugu soo biirto Dowladda KMG.
Culumaa’udiinka Ahlu Sunah ayaa ku soo biiray saaxada siyaasada dhamaadkii sanadkii 2008-dii kadib markii ay qaateen qoriga, isla markaana dagaalo lagu jilbo murxay ku dhex maray gobolka Galgaduud oo ay kula wareegtay






