Ciidamada Booliska Dowlada Kmg ah ee Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay Gaari lagu soo qariyay Rasaas la doonayay in loo gudbiyo kooxaha Dowlada ka soo horjeed ee Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Kadib howlgal amaanka lagu sugayay oo ay Ciidamada Booliska Soomaliyedd ay saaka ka aroortii hore ka sameeyeen Wadada maka Almukarama ayaa lagu soo qabtay Gaari Homey ama (Mini Bus) ah oo lagu waday rasaas ku jirtay laba jawaan kuwaas oo ladoonayay in la geeyo goobaha ay kusuganyihiin kooxaha dowladda ka soohorjeeda .
C/llaahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidamada Booliska soomaaliyed oo wariyaasha kula hadlayay goobta ay maanta rasaastaasi ku soo bandhigeen ayaa sheegay in Gaarigan Ciidamadu ka shakiyeen islamarkaana ay baaritaano ku sameeyeen taas oo keentay in lagu qabto rasaastan oo laba jawaan ku jirta isla markaaana si sharci daro ah loogu gudbinayay kooxaha Dowlada ka soo horjeeda , waxa uuna tilmaamay in baaritaano lagu samaynayo arintan iyo laba nin oo Gaariga waday, waxa uuna intaa ku daray in tallaabo shariga waafaqsan laga qaadi doono dadka lagu qabtay falkan oo si toos ah ugu lug leh arintan.
Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ayaa waxay adeegsadan farsamooyin nooc walba ah hase ahaate Dowladda iyadana dadaal uga jirta sidii ay u fashilin lahayd tallaabo kasta oo kooxahaas qaadan.






