Iyadoo maalmahan si weyn loo hadal haayo wararka ku saabsan in ciidamada Mareykanka dhinaca hawada iyo dhulka kaga qeyb qaadan doonaan dagaalka ay Dowladda KMG ah la damacsan tahay kooxaha hubeysan ee Shabaabka ka mid tahay ayaa Maanta gelinkii danbe lagu arkay Hawada Magaalada kismaayo Diyaarad Nooca Dagaalka oo ku dulwareegeysay hawada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Diyaaradan oo aan la garanayn halka ay kasoo duusha iyo weliba ujeedada rasmiga ah ee ay leedahay ayaa galabta lagu arkayay hawada magaalada kismaayo iyada oo ay diyaaradaasi ku dulwareegeysay daafaha magaalada, waxaana maleeshiyada alshabaab ee ka arimiya magaalada kismaayo ay ku rideen hubka lidka diyaaradaha.
�
Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa waxa ay cabsi ka muujiyeen diyaaradani oo ah nooca dagaalka wallow aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geysatay diyaarada.
�
Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada al qaacida ee ka barbar dagaalama kooxda shabaab.






