Dagaalo culus ayaa saaka dib uga qarxay Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo shalay dagaaladii ugu xooganaa abid ay ka dhaceen, kaasoo ay si toos uga qeyb qaadanayeen Ciidamada AMISOM.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka saaka ayaa ka duwan dagaaladii la soo dhaafay, waxaana markii u horeysay la arkayay Ciidamada AMISOM oo si aan horay loo arag ugu qalab qaatay dagaalka.
Dagaalka ayaa xoogiisa ka socda degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo C/casiis, waxaana si aad loo maqlayaa hugunka Madaafiicda xoogan ee ka dhacaya Qoryaha Taangiga iyo BM-ka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkan saaka dib uga qarxay Waqooyiga Muqdisho uu yahay abaabulkii dagaal ee beryahan isla wadeen Dowladda KMG iyo AMISOM, marka loo eego sida ay ugu qalab qaateen Ciidamada AMISOM.
Ciidamada AMISOM oo wata taangiyo iyo agab kala duwan ayaa sii galaya jiida hore dagaalka, waxaana wehlinayay Gawaari Bal-doosaro ah, kaasoo ay doonayaan in ay dhufeyso kaga qotaan qeybaha ay dagaan iyo godod boholo ah oo laga faagay wadooyinka in ay aasaan.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay u egtahay in ay fariisimo ka sameysanayaan Waqooyiga Muqdisho oo marar badan dagaalo ay ku garab siiyeen Ciidamada Dowladda dib uga soo baxay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkan uu yimid kadib markii Ciidamada Dowladda ay soo faarujiyeen meelihii shalay u qabteen Ciidamada AMISOM, iyadoo Xoogaga Mucaaradkana ay saaka mar kale soo buuxiyeen aagaga dagaalka, isla markaana ku soo dhowaadeen KM-0 oo ah qadka cagaaran ee AMISOM asteysteen.
Lama oga qasaaraha uu geysanayo dagaalka, ha yeeshee waxaa sii kordhaha qasaaraha shacabka soo gaaraya, bacdamaa madaafiic xoogan ay ku socdaan degmooyinka qaar ee Muqdisho.






