Dadka ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa ka Cabanaya dhac baahsan iyo cabsi gelin ay ku hayaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda gaar ahaan kooxda uu madaxda u yahay Xasan Dahir Aweys.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadaha Fagax ilaa Juungale oo ka mid ah Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in Maleeshiyaadka kooxda Xisbiga oo ku sugan Xaafadahaasi ay balaabeen xiliyada habeenkii iyo maalintiiba dhac baahsan oo ay u geeysanayaan dadka deegaanka ayagoo ka qaadanaya Mobilada iyo lacagaha ay wataan kadibna ugu hanjabaya dadka in ay dilidoonaan hadii ay sheegaan.
Mid ka mid ah dadka Deegaanka aya yiri”waxeey iga qaateen Telefoonkii gacanta iyo lacag waxeyna igu hanjabeen in ay i dili doonaan hadii aan sheego dhacdadan,intaa kadib waxa dhacday in isla ragii ay mar kale guriga iigu yimaadeen ayagoo leh waan baareeyna guriga waxeyna mar kale qaateen lacago. telefoono iyo hanti kale.
Maleeshiyada kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ee Shabaab iyo Xisbiga ayaa looga bartay falal naxdin leh oo ay kula kacaan shacabka ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan kuwaas oo ay ka mid yihiin Gowrac.Jirdil.dhac iyo cabsigelin joogta ah






