Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa Xabsiyo Qarsoodi ah ka sameystay Meelo ka mid ah Suuqa wayn ee Bakaaraha halkaasoo ay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah iyo qofkii ay u arkaan inuu ka soo horjeedo hab dhaqanka kooxdaas
Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa Xabsiyo ay dadka ku waxyeeleeyaan ka sameystay Xaafadaha laga barakacay ee ku yaalla Suuqa wayn ee Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Daawada iyo Meelo kale oo ka tirsan Suuqaasi.
“Qofkii ay qabtaan ama diido amarkooda waxay ku xiraan xabsigaas, waxaana maxkamad saaraya wiilal yar yar oo xataa diinta fahamkeedu ku adag yahay ama qaarkood wax diin ah anay aqoonin”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku sugan Suuqa Bakaaraha oo xabsigaas dhaqdhaqaaqiisa la socda.
Xabsigaas oo ku yaala dhabarka dambe ee suuqa Daawada oo Bakaaraha ku dhex yaala ayaa lagu xiray dad isugu jira Dumar iyo rag kuwaas oo qaarkood dil lagu xukumay qaar kalena jirdil loo geystay.
Sidoo kale Xabsigaas ayaa waxaa lagu xiraa Ganacsatada ka caga jiida bixinta lacag shabaabka ka qaataan ganacsatada suuqa Bakaaraha.
Shabaabka waa koox mayal adag kuna xiran Al qaacida kana buuxaan kooxo dambiyo badan ka galay shacabka soomaaliyed.






