Maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa burburiyay dhismo KMG ah oo boqolaal qoys oo ka soo barakacay xaafadaha magaalada muqdisho ka sameysteen xerada Afisyoone ee u dhow garoonka diyaarada Muqdisho.

Qoysaskan oo ahaa kuwo xaaladooda liidato ayuu maamulka gobolku uga digay in ay ku sii nooladan agagaarka Garoonka Diyaaradaha sababo dhinaca amaanka ah, waxaana lagu wargeliyay qoysaskaas in ay isaga guuraan degaanka ay ka sameysteen agagaarka garoonka Diyaaradaha ee muqdisho, balse qoysaska ayaa ka biya diiday go’aanka Maamulka Gobolka Banaadir taasina waxay keentay in la burburiyo dhismayaashas.


Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo C/llaahi Xassan Bariise ayaa saxaafadda u sheegay in ay sii wadayaan howlgaladani tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka guud ee gagida diyaaradaha.

Dhanka kale hey`adaha u dooda xuquuqda bini`aadamka ayaa sheegay in qoysaskii laga barakiciyay guryohooda aysan haysan meel ah tagaan.
Dadkii laga burburiyay guriyaha ayaa iyagoo caruurtooda wata la arkayay dar xumo ka muuqata






