waxa Aroornimadi saakay ka dhacay Degmada kaaraan ee Magaalada Muqdisho fal argagax iyo uurkutaalo reebay kaasi oo ahaa bur burin loo geestay Qabuuro ay ku duugan yihiin Culuma’udiinka caanka ah ee Sheekh Muxyidiin Celi iyo Sheekh Axmed Xaaji Cabdi.�
Sheekh Muxyidin Celi oo ah sheikh ku caan baxay Fidinta diinta islaamka isla markaana lahaa burhaan aad uweyn ayaa sidoo kale waxa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa culimada ugu caansan ee soo mara culum’udiinka somaliyeed�

Sheekh muxidiin ayaa sidoo kale waxa uu halgan taariikhi ah laoso galay gumeestihi talyaaniga, isagoo sidoo kalena dodo kulul dhax mareen dowladihi dalka soo maray qaarkood kadib marki ay isku dayeen marar badan howlihiisa dacwada in ay ka horyimaadaan taasi oo sheekha dharaar cad meel saaray.










walaahi aad iyo aad ayaan uga xuamaaday markaan arkay mashaa’iqdii somaliyeed oo lagu xad gubay qabuuradoodii kuwaan alle hanaga qabto ilaah ayaan ka magan galnay