Qasaaraha dagaalo culus oo tan iyo shalay ilaa xalay ka soconayay magaalada Muqdisho ayaa isa soo taraya, iyadoo dagaaladaas ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa ee mudooyinkan ka dhaca caasimada Muqdisho.
In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyooday dagaaladaas oo ahaa kuwo ay saameyn ku yeesheen xaafado aan horay dagaalada ugu dhici jirin, waxaana rasaasta qaar ay aheyd kuwo sida roobki oo kale ku hoobanayay.
Dhaawacyada in ka badan 50-ruux ayaa la dhigay Cusbitaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Madiina oo saaka la gaarsiiyay dad ay suura geli weyday in markii ay dhaawacmeen la soo gaarsiiyo, bacdamaa ay xilli habeen aheyd.
Ciidamada Dowladda oo shalay galab waxoogaa horumar ka sameeyay dagaalada kadib markii ay ku durgeen goobo ay joogeen Mucaaradka ayaa sidoo kalena dilay ciidamada Dowladda dablay fara badan oo shabaabka ka tirsan.
Inkastoo Xaalada saaka tahay mid degan ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa in rasaas laga maqlayo xaafado ka tirsan degmada Hodan oo ay isku hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay






