Xafiiska arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in laba kulan oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya lagu qaban doono magaalooyinka Qaahira iyo Istanbuul bilaha April iyo May ee sanadkaan.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in kulanka ka dhacaya magaalada Qaahira ee dalka Masar uu yahay mid daba socda shir bishii December ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga kaas oo ay isugu tageen kooxda xiriirka Caalamiga ee arrimaha soomaaliya.
Shirka Qaahira, ayaa diiradda lagu saari doono waxyaabaha horumarka leh ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku tillaabsatay iyo arrimaha degdeg ah ee lagama maarmaanka ah ee u baahan wax ka qabashada.
Jaamacadda Carabta oo marti qaadka kulanka Qaahira wada, ayaa la sheegay in uu socon doono 21 ilaa 22ka bisha soo socoto ee April.
War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska siyaasadda Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sida waafaqsan qodobka 11aad ee heshiiskii Jabuuti la qaban doono kulan kale oo looga hadli doono dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo kulankaas uu ka dhici doono magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.
Kulanka Istanbuul, ayaa waxaa martigalineysa dowladda Turkiga, oo martiqaaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ay xiriirka la leedahay si looga wadahadlo arrimo badan oo quseeya horumarka Soomaaliya.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Sooaaliya Axmed Walad Cabdala, uu wasiirka arimaha dibedda Spain iyo xoghayahiisa joogtada ah kala hadlay sidii mira dhal looga dhigi lahaa kulamadaan qorsheysan.
Axmed Walad Cabdala, ayaa sheegay in wasiirka uu ka dhawaajiyey si ay dowladiisa u daneyneyso dib u soo celinta nabadda buuxada oo laga hirgaliyo Soomaaliya, isla markaana xal waara loo helo dhibaatooyinka burcad badeedda ee ka jira xeebaha Soomaaliya






