Archive | March, 2010

Kulan Adis ababa ku dhex maray Madaxweyne Shariif iyo C/raxmaan Faroole

Dowladda Itoobiya, ayaa ku guuleysatay in ay dhexdhaxaadiso Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Faroole.

Dowladda KMG ah iyo Maamulka Puntland ayaa ka dhaxeeyay muran dhinaca wada shaqeynta ah iyo arrimo kale oo labada dhinac isku mari waayeen kol hore mar ay ku kulmeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulan saacado socday oo saaka Magaalada Adis ababa ku dhex maray Labada Madaxweyne Dowladda KMG ah iyo Maamulka Puntland ayaa la isku afgartay in la soo afjaro khilaafka isla markaana la wada shaqeeyo.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in kulan labaad la isugu yimaado mar kale ee dhawaan sida uu sheegay Awaare oo ah lataliyaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Faahfaahin dheeraad ah lagama soo saarin kulankaas waxaase muuqata in Dowladda Itoobiya isku keentay labada dhinaca.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Axmed Walad Cabdala oo ka warbixiyay kulamada soo socda oo arrimaha somali looga hadli doona

Xafiiska arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in laba kulan oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya lagu qaban doono magaalooyinka Qaahira iyo Istanbuul bilaha April iyo May ee sanadkaan.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in kulanka ka dhacaya magaalada Qaahira ee dalka Masar uu yahay mid daba socda shir bishii December ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga kaas oo ay isugu tageen kooxda xiriirka Caalamiga ee arrimaha soomaaliya.

Shirka Qaahira, ayaa diiradda lagu saari doono waxyaabaha horumarka leh ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku tillaabsatay iyo arrimaha degdeg ah ee lagama maarmaanka ah ee u baahan wax ka qabashada.

Jaamacadda Carabta oo marti qaadka kulanka Qaahira wada, ayaa la sheegay in uu socon doono 21 ilaa 22ka bisha soo socoto ee April.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska siyaasadda Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sida waafaqsan qodobka 11aad ee heshiiskii Jabuuti la qaban doono kulan kale oo looga hadli doono dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo kulankaas uu ka dhici doono magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Kulanka Istanbuul, ayaa waxaa martigalineysa dowladda Turkiga, oo martiqaaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ay xiriirka la leedahay si looga wadahadlo arrimo badan oo quseeya horumarka Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Sooaaliya Axmed Walad Cabdala, uu wasiirka arimaha dibedda Spain iyo xoghayahiisa joogtada ah kala hadlay sidii mira dhal looga dhigi lahaa kulamadaan qorsheysan.

Axmed Walad Cabdala, ayaa sheegay in wasiirka uu ka dhawaajiyey si ay dowladiisa u daneyneyso dib u soo celinta  nabadda buuxada oo laga hirgaliyo Soomaaliya, isla markaana xal waara loo helo dhibaatooyinka burcad badeedda ee ka jira xeebaha Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Tallaabada ay qaaday Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi waa mid ay wax ka bedelaysa xaaladda amaan ee dalka soomaaliya

Tan iyo markii ay Safaaradda soomaaliya ee Magaalada Nairobi shaacisay in cid kasta oo soomaaliya u socdaalaysa looga baahan yahay in ay fiisaha dal ku galka ka qaatan Safaaradda waxaa soo baxaya faa’idada ay leedahay qorshahaas oo muddo badan lagu dhaqaaqin sababo jira awgooda iyadoo muddo ku dhaw 20 sano dadka u socdaala soomaaliya aysan qaadanin wax dal ku gal ah maadaama nidaamkii dowladnimo uu burburay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa uu sheegay in qorshahan looga dan leeyahay in lagu ogaado ujeedada dadka u socdaala soomaaliya ee sita baasaboorada ajanabiga,wuxuuna sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu xaqiijinayo amaanka dalka isla markaana lagu hubinayo shaqsiyaadka kala duwan ee soomaali taga waa sida uu hadalka u dhigay.

Haweenay 24 jir ah,degan magaalada Nairobi ayaa ii sheegtay in ay la yaabtay hadalka ka soo yeeray Safiirka soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America,waxay tiri marna ma is dhaheynin qof soomaaliya u socda in looga baahan yahay fiisaha dal ku galka,waxaan is lahaa fiiso la’aan ayaa la tagi karaa soomaaliya, waxaase hadda ogaaday in tallaabadaas ay tahay mid muujinaysa dowladnimada.

Asli Maxamed Xasan,waxay sheegtay in ay ku faraxday go’aanka safaaradda soomaaliya ee dalka Kenya ku amartay dhamaan dadka u socdaalaya soomaaliya haddii ay haystaan baasabooro dalal kale.

Muddooyinkan dambe waxaa soo badanayay dhalinyaro soomaaliyed oo qurbaha ka yimid kuwaas oo sita baasabooro dalal kale,waxayna qeyb ka yihiin dagaalada ka socda soomaaliya, qaarkood waxay ka mid yihiin kooxo isku qarxiyay gudaha dalka sida Hargeysa iyo caasimada dalka ee muqdisho.

Sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaas waxaa muhiim ah in baaris lagu sameeyo dadka u socdaala soomaaliya ee ka baxa dalalka geeska afrika iyo Imaaraadka carabta,xataa haddii uu soomaali yahay waxaa wanaagsan in baaris lagu sameeyo ujeedada socdaalkiisa.

Ka sokow dadka dhalashooda asal ahaan tahay soomaaliya balse haysta baasaboorada dalalka ajanabiga waxaa jira shaqsiyaad shisheeye ah oo soomaaliya taga kuwaas oo qeyb ka ah kooxaha nabad diidka ah ee ka dagaalama soomaaliya.

Dadkaas waxay u dhasheen dalalka Carabta, Mareykanka, Afrika iyo Yurub, waxayna ku biiraan marka ay tagaan soomaaliya kooxaha dhibaatooyinka ka wada soomaaliya, iyagoo ka faa’ideysanaya kantarool la’aanta dalka ka jirta.

Sidoo kale shaqaalaha hay’adaha gargaarka, wariyaasha ajanabiga ee u socdaala soomaaliya ayaa ka mid ah dadka looga baahan yahay in ay ilaaliyaan go’aanka Safaaradda soomaaliya ee Nairobi ku gaartay in ay soo maraan dadkaas xarunta Safaarada si loo ogaado ujeedada socdaalkooda.

Hadaba si looga hortago arrimahaas tallaabada koowaad ee u furan Dowladda soomaaliya waxay tahay midka Safaaradda soomaaliya ee Kenya ka dhawaajisay oo ah in lala socda qof walba oo soomaaliya u socdaalaya.

Safiirka soomaaliya ee Nairobi, Danjire Maxamed Cali America,waxaa uu dib u soo nooleeyay nidaamkii looga bartay dowladnimada taas oo qalbiga soomaalida iyo shisheeyaha mar hore ka tirtirantay.

Safaaradda soomaaliya ee Kenya, waxay qaaday tallaabooyin dhawr ah oo u baahnaayen dhamaan soomaalida ku sugan Kenya, iyadoo adeegyo fara badan u qabta dadkeeda,ilaalisa, sharafta uu leeyahay qof walba oo soomaaliya,waxayna xabsiyada kala duwan ee Nairobi ka soo saartay dad fara badan oo soomaaliyed kuwaas oo markii hore haysanin cid u dooda hase yeeshe markan waxay heleen howl wadeeno u taagan qaranimadooda.

Dalalka geeska afrika ku yaala ee ka welwelsan xaaladda soomaaliya,waxay soo dhaweeyen qorshaha Safaaradda soomaaliya ee Nairobi ku xaqiijinayso dhamaan dadka u socdaalaya somaliya.

Dowladaha Kenya, Itoobiya,Jabuuti iyo Uganda waxay u arkaan tallaabadan mid muhiim ah oo wax ka taraysa amaanka somaliya iyo dalalkooda.

Haddii howshan cusub la adkeeyo fulinteeda waxaa la hubaa in wax badan iska bedeli doonaan xaaladda dalka soomaaliya.

Somalida qurbaha ku nool, iyagoo ilaalinaya magacooda iyo kan Qaranka soomaaliyed waxaa la gudboon in ay qaatan baasaboorka cusub ee soomaaliya maadama dastuurka dalka soomaaliya uu ogol yahay in muwaadanka soomaaliya uu yeelan karo labo baasaboor.

Adigoo soomaali ah, in aad haysato baasaboor ajanabi ah kana tagto midkii aad u dhalatay waa mid laga fiican yahay, sidoo kale in dalkaada hooyo aad ku tagto baasaboor ajanabi ah iyadoo uu shaqeynayo midkaada hooyo taasina waxay wax u dhimaysaa dadnimadaada iyo jiritaankaada.

Maalmahan sidaad la socotiin Dowladda Kenya waxay qabqabatay dad soomaaliyed oo sita baasabooro ajanabi ah kuwaas oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Itoobiya,waxayna sheegtay Kenya in ay ka hortagayso wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyadeeda.

Sidoo kale dadka u dhashay soomaaliya ee haysta baasaboorada ajanabiga waxaa lagu haaya il gaar ah, waxaana lala socda dhaqdhaqaaqoda, hase ahaate dadka sita baasaboorka soomaaliga ee Kenya ku sugan wax culeys ah oo lagu haayo ma jirto, waxayna taasi muujinaysaa kalsoonida lagu qabo baasaboorka soomaaliga.

Ugu dambeyntii Safiirka soomaalida ee Kenya u fadhiya Maxamed Cali America waxaa uu ugu baaqay dhamaan dadka soomaaliyed in ay qaatan baasaboorka dalkooda,wuxuuna sheegay in u furan tahay albaabka safaaradda cid walba oo soomaali ah.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Meles Zanawi iyo Shariif Sh Axmed oo wadahadal u socda

Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaminayo ayaa ka degay magaalada  Adiss Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Shariif aya kulan ay albaabadu u xiran yihiin Adis kula leh galabta R/wasaraha Ethiopia Meles Zanawi, waxayna warar shirka ku dhow sheegayaan in ay ka wada hadlayaan arrrimo badan oo labada dal quseeya.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi ayaa madaxweynaha Somaaliya ku soo dhaweeyay garoonka diyaarada ee  magaalada Adis Ababa.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed uu hogaaminayo waxaa ka mid ah R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Iiraan C/raxmaan Guulwade, la taliyaha Madaxweynaha Mustafa Dhuxuloow iyo xubno kale.

Wafdigaan ayaa galabta ka ambobaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu madaxweynuhu uu kulamo kula qaatay Mas’uuliyiin ka socota Beesha caalamka iyo wakiilo ka socda Safaaradaha ay qaar ka tirsan wadamada Caalamku ku leeyihiin magaalada Nairobi.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa kenya kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Q/mdoobay u qabilsan Soomaaliya Axmad Olad Cabdalla.

Posted in DhacdooyinComments (0)

QUBUURAHA LA QODAAYO QOOMAMAA KA DAMBEYN!!! =FAALLO=

Iyadoo labaatankii (20) sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ka dhacaayay Soomaliya ficilo midba  midka kale uu ka sii xun yahay, kana sii xanuun badan, kuwii horey loo arki jiray sida naf bini’aadam oo aan waxba galabsan  qoorta ka goyn, gaaleyn dad muslimiin ah, is-qarxin (Suicide), qanimeysi haween xaasas ah oo  laqabo, qanimeysi guryaha qurxoon, gacmaha iyo lugaha ka goyn dhalinyarada ka hor timaada fidinta Diin beenedka ay wadaan diin-xumayaal Soomali ah iyo dimbiilayaal Ajnabiyiin ah oo dalalkii ay u dhasheen ka soo galay dimbiyo cul-culus oo waliba qaarkood ayku jiraan liiska Argagixisada caalamiga ah, qaracan iyo qiso  cusub oo ah qoditaan  qabuuraha  ay ku aasan yihin mashaa’ikhdii qeybta weyn ka soo qaadatay fidinta diinta Islaamka  iyo la dagaalinkii gumeystayaashii kala duwaney  ee soo marey Soomaliya  sida Ingiriiskii iyo Talyaanigii.

Ficiladan waxuush-nimada ah ee kor ku xusan, oo uusan horey u arkin una uusan maqal fac-kasta oo nool, waxay ka dhacaan guud ahaan Soomali, gaar ahaan 75% waxay ka dhacaan koofurta Soomaliya gobalada ay degaan beelaha ku abtirsada USC-da, 25% kalana waxay  ka dhacaan gobalada Puntland, Bay iyo Bakool, Gedo, Jubooyinka iyo Somaliland iwm.

Maanta dhibaatada ka socota Soomaliya 75%-kiiba, waxay haysataa beelaha ku abtirsada USC, waxaadna moodaa in USC-da  laga  aar-gudaayo nabsiyo ay horey u gashey, waayoo sanadkii 1991kii, waxay ku guulaysatay inay xukunkii ka tuurto taliskii  Militariga ahay ee uu hogaamin jiray Alaha unaxariistee marxuum  Ex-Madaxweyne Gen. Mohamed Siad Barre.

USC-du, markii aay riddey xukuumadii Militariga aheyd, waxay aheyd in ay fahamto fursadii qaaliga aheyd ee xilligaas gacanteeda ku jirto, waxayna ahay inay  marka hore iyadu wax isu quudho, isla markaasna Soomalida kalena loo  ogolaada saamiyadii ay lahaayeen  iyo xush-maddii ay mudnaayeen, maadaama wadanka lawada leeyahay, laakin USC-du, wey-garan-weyde-fursadaas qaaliga aheyd,waxayna arrintii la mid noqotay mahmaadii oraneysey  “Duke waalee-yahay nasiib uu ku halo haruub caano ah, laakin malaha nasiib uu ku cabo”

USC-du, waxay karaamo dhacday, haddey noqon lahayd mid  sumcadeed iyo  mid Ciidanba, isla sanadkii 1991dii bilowgiisii, markii iyadoo laga sugaayay inay isu keento Soomali oo dhan, ay iyadu si doqonimo ah dhexdeeda u dagaashey, wixii xilligaas Hub muqdisho yiilna ay ooda isaga qaaday, dagaalkaas USC-DU  waxay isaga dishey  kumman-yaal qofood oo ka dhex muuqan jirey bulshada Soomaliyeed qeybaheeda kala duwan, dagaalkii markii uu socda afar (4) bilood ayaa leysku daalay, sidaas ayuuna ku joogsaday dagaalkii doqonimo, ha yeeshee dhibkii lagama deyn danyartii ka soo jeeday beelaha ku abtirsada USC, dadkii ka soo jeeday qoomiyadaha Banaadiriga iyo Beelihii laga tirada badney, dhibaatooyinka ay la kulmeen waxaa ka mid ahay Isbaarooyin isu jiray boqol boqol 100/100 tilaabo oo ay dhigteen dagaal oogayaashii USC, iyadoo Isbaarooyinkaas la dhigay dhammaan dhulkii ay ka talineysay USC-du, ganacsatadii USC-da oo Raashin dhacay iyo Daawo dhacday ka iibisay danyartii ku nooleed dhulkii ayka talinaysay USC, danyarta waxaa intaas  u dheeraad dagaalo goos goos ah oo aan lahayn  dhammaad.

Dhibaatooyinkaas, faraha badan ee soo tixnay ilaa labaatan (20) sano, waxay nugul (Vulnerable) ka dhigeen geesiyaalkii USC-da, laakin wixii ka danbeeyay, markii la maqlay Qabuura faagista xad gudubka ah ee sida xooga leh uga socota deegaanada USC-da, waxaa soo ififaala baxaaya dib u midow USC-dii kala tagtay 19 sano ka hor.

Sababta, keentay  dib u midowga USC-da waxay tahay, iyadoo ay USCdu, 98%kiiba ay tahay Dariiqadaha suufiyadaha isla markaasna aad u xushmeeya mashaa’ikhdii soo diin bartay  kuwooda nool iyo kuwooda dhintayba. 

Sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah hor-joogayaalka Herta careysan oo ku sugan caasimada Somaliya ee Muqdish,waxay ii sheegeen  inay ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyay iyagoo uruursanaaya wixii Agab dagaal ee ay heli karaayaan sida  Seefo, Warmo, Falaaro Mariid leh, qoryaha fufudud, kuwa culus iyo waxkasta oo ay heli karaayaan oo ah agab dagaal.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa inay qurbo joogtii Soomaliyeed ay  seddexdii (3) biri  la soo dhaafay dad badan oo ka dhiidhiyay, waxa ka dhacaaya koofurta Soomaliya, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho inay dib ugu laabteen dalkii hooyo, iyadoo la sheegaayo dadka ku laabtay gudaha Soomaliya inay ku jiraan 32 sharkaal oo u badan Korneylyaal caan ku ah xeeladaha dagaalka, warku wuxuu intaas ku daraayaa inay Saraakiishan ku laabatay Xamar inay DKMG   kala tashan doonto qaabka loo wajahaayo dagaalka?.

Sikastaba ha ahaatee, haddii uu hirgalo ololahaan dib u midowgan  ka dhan ah Qabuura qodatada ka dillaacday koofurta Soomaliya, waxaan shaki ku jirin in uu qoomamo badi-doono, qabuuro qodatada ay gadaal ka riixaayaan ajnabiyaalka  dimbiilayaasha ah ee ku soo duulay Sooomaliya, ee aan dhowrno inta laga dhawaajinaayo Buunka-colaada oo ay caan ku tahay USC-da Xamar.

Maxamuud Geeddi Aw-Hilowle

E-mail: Jowhar53@hotmail.com

Rochester, Minnesota

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qarax bam oo ka dhacay agagaarka beerka degaanka Afgooye ku leeyahay Cali Mahdi Maxamed

Sida ay sheegayan wararka Qarax ay dadi ku dhaawacmeen ayaa saakay waxaa uu ka dhacay beer meel ku dhow degmada Afgooye uu ku lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaani oo nuuciisu uu ahaa bamka gacanta laga tuuro ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Sobyo oo 10 km u jirta degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay ku taalo Beerta Cali Mahdi Max’ed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxaasi u dhacay iyo waxyaabaha sababay waxaana qaar ka mid ah wararkaasi ay sheegayaan in qarxaasi uu ka qarxay ilaaladii beertaasi,waxaana inta la ogyahay qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa sedax ruux oo beerta ku sugnaa.

Wax war ah oo intaa ka badan lagama haayo qaraxan sidoo kale ilaalada beerta Cali Mahdi kama hadlin waxyaabaha dhaliyay qaraxan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dibadbax balaaran oo lagaga soo horjeeday Shabaab oo maanta ka dhacay M/Muqdisho.SAWIRRO

Dibad ballaaran oo looga soo horjeeday Qubuura qodiska Alshabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdsiho,iyadoo dadkii banaanbaxayay oo si caro leh u dhaliilay isla markaana soo keediyeen in la takooro maleeshiyada shabaab.

Bananbaxani oo ay soo qabanqaabiyeen Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ayaa waxaa ka soo qeybgalay kumanaan dadweeyne ah kuwaas oo socod ku soo maray qeybo ka mid ah degmooyinka Shangaani Xamarweeyne iyo Boondheere,ayaa waxa ay isugu soo urureen Fagaaraha Daljirka Dahsoon Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dibadbaxa sameeynayay ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ka dhan ah Shabaab ayagoo ku qeylinayay ereyo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan qodista Qabuuraha Culumaa’udiinka Soomaalyeed oo magac iyo maamus ku dhex lahaa Bulshada Soomaaliyed,waxeyna sidoo kale dibadbaxayaashaasi ay sheegeen in ay la dagaali doonaan kooxda Shabaab.


Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlusunaa Waljamaaca Sheekh C/qaadir Soomoow oo dadkaasi la hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in maanta laga bilaabo aaneey u dulqaadan doonin kooxda Shabaab isla markaana ay si walba ula dagaalami doonaan kooxdaasi hadii aanu nahay ayuu yiri Ahlusunna waljamaaca oo kaashanaya Shacabkooda Soomaaliyeed,wuxuuna dibadbaxayaasha u sheegay in ay u diyaargaroobaan dagaal Jihaad ah oo lagu badbaadinayo Diinta.Dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada ee Gobolka Banaadir Muxudiin Xasan Afrax oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweeynayo hadafka ah in lala dagaalamo kooxda Shabaab iyo mowqifka  Ahlusunna waljamaaca,wuxuuna intaa ku daray in Ururada Bulshadu ay diyaar u yihiin in ay hormuud  ka noqdaan dagaalada lagu badbaadinayo Sumcada iyo Sharafta Dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Nabadoon ka tirsanaa Golaha Dhaqanka Hawiye oo lagu dilay deegaanka Lafoole

Mid ka mid ah Nabadoonada Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa fidnimadii xalay kooxaha Dowlada ka soo horjeeda waxa ay ku dileen degaanka Lafoole.

Rag afafka soo duubtay ayaa fiidnimadi xalay toogasho ku dilay nabadon ka tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi Shabaab.

Deegaanka Lafoole oo ah halka lagu dilay nabadoonkaasi ayaa waxaa ku sugnaa Maleeshiyada Xisbul Islaam in kastoo aaneey jirin ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyada Dilkasi.

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa Cambaareeyay dilka Nabadonkaasi, waxa uuna tilmaamay in nabadoonkan geeriyooday uu ahaa nin lagu yaqaanay nabad jaceyl iyo daacadnimo,hase ahaatee ma sheegin cid uu ku eedeeynayo dilka nabadoonkan.

Warar goor dambe soo baxay ayaa sheegaya in maleeshiyada dilka geysatay ay ka tirsan yihiin kooxda mayalka adag ee shabaab

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Tiro dablay shabaab ah oo lagu dilay muqdisho

Isku dhac hubeysan oo Khasaaro geystay ayaa xalay saqdii dhaxe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka Caasimadda soomaaliya ee muqdisho.

Saqdii Dhexe ee xalay ayaa waxa iska horimaadyo u dhexeeya Ciidamada dowladda KMG oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka shabaab iyo Xisbul Islaam ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Hwlwadaag ee magaalada muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in dagaalku uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo baasukayaal qaraxyo waa weyn dhaliyay.
Nin goobjooga ah ayaa laga soo xigtay inuu arkay ilaa iyo 8 dablay oo ka tirsan shabaab kuwaas oo ku dhintay dagaalka.

Ciidamada Dowladda ayaa iska caabiyay weerarka uga yimid maleeshiyaadkaas nabad diidka ah ee dhibaatooyinka culus ka wada dalka soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Shabaab marna ma ogola in soomaaliya nabad ka dhalato

Maleeshiyada  Al Shabaab ayaa waxa ay ka soo horjeesteen heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljaamaca.

Ninka sheegta inuu yahay Wakiilka dablayda  Al Shabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in heshiiska dhex maray Dowladda KMG ah iyo Ahlu sunna uusan waxba u dhimi doonaan dagaalkooda ay kaga soo horjeedan labadaas dhinac.

Waxa uu sheegay Cali Maxamed Xuseen in hadii ay isku biiraan iyo aysan waxba u dhimi doonin Al Shabaab iyo waliba hadii ay keensadaan Ciidamo shisheeye, isagoo intaasi ku daray in ay dagaalka sii wadi doonaan.

“Anaga marna ma qaadan doono wax nabad ah dagaal mooye wax kale oo aan rabno ma jirto”ayuu yiri ninkaas oo hadda isku magacabay inuu yahay Sheekh balse ka mid ahaan jiray mooriyaanta degaanka balcad.

 

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ban Ki-moon oo ugu baaqay dalalka Carabta in ay ku daraan Liiska kooxaha Argigixisada ururka Al Shabaab

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qeybgalaya shir Madaxeedka dalalka Carabta oo ka socda Magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa ugu baaqay Dowladaha carabta in ay takooran ururka Al Shabaab oo la aaminsan yahay inuu xiriir la leeyahay ururka Al qaacida.

Ban Ki-moon, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay madaxda Carabta in looga baahan yahay in ay ku biiraan dowladaha Caalamka oo takoor ku sameeyay maleeshiyada nabad diidka ah ee Shabaab.

“Waa in Al Shabaab ku dartaan haddii aad tihiin madaxda Carabta liiska Argigixisada ee khatarta ku ah nolosha bani’aadamka”ayuu yiri Ban Ki-moon.

Horey ayaa Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Canada waxay shaaciyeen in kooxda shabaab laga mamnuucay dalalkooda isla markaana waxay ku dareen liiska kooxaha Argigixisada.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Daawo Sawirada Madaxweyne Shariif socdaalkiisa Liibiya

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb galay furitaanka shir madaxeedka 22aad ee Madaxda Carabta, kaasoo maanta gelinkii dambe ka furmay magaalada Sirte ee dalka Libiya.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan furmin shirka waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxdii Carbeed ee shirkaas ka soo qeyb galay, iyadoo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir ay isku gacan qaadeen madasha.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif oo ka faa’ideysanaya ka qeyb galkiisa labaad ee Shirweynaha Carbeed waxaa uu la kulmay Amiirka dalka Cumaan oo uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa kulan gaar ah la qaatay Hogaamiyaha Libiya Mucaamir Al-Khadaafi, kaasoo xalay gelinkii dambe ku soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha.

Halka shirka ka dhacayo oo ah Teendho weyn oo laga taagay Magaalada Sirte ayaa waxaa ku sugan Hogaamiyeyaal fara badan oo ka socda Carabta, waxaana ay ku jeex jeexi doonaan arrimaha Soomaaliya iyo arrimo badan oo dalalka Carabta ka mid ah.

Madaxweyne Shariifka Soomaaliya ayaa aad u daneynaya in natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxdo shirka Madaxda Carabta, inkastoo shirkii ka horeeyay uu Madaxweynuhu uu dhaliilay balan qaadka loogu yaboohay Dowladdiisa.

Shirkan ayaa la filayaa in Dowladda Soomaaliya ay ka hesho balan qaad Maaliyadeed, iyadoo taana ay uga faa’ideysaneyso Saaxibtinimada ka dhaxeysa Madaxweyne Shariif iyo Hogaamiyaha Libiya Mucaamir Al-Khadaafi oo haya Hogaanka Jaamacada Carabta

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qarax lagu dilay Guddoomiyaha Xamar Jajab

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir Axmed Sheekh Qoorleex uu ku geeriyooday Xaafada Afisyooni.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu ku dhintay Gudoomiyaha, waxaana qaarkood sheegayaan Gaari uu watay ay la kacday Miino, kadib markii sida la sheegay gaarigii uu watay rasaas dhinaca Afisyooni lagaga soo furay.

Geerida Gudoomiyaha ayaa waxaa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sheegay in sidoo kale uu dhaawacmay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir Mr Warsame.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ka hor inta qaraxa aanu qabsan Gaariga la maqlay rasaas halkaas ka dhacday, oo aheyd mid la is weydaarsanayay.

Halka Gudoomiyaha ku dhintay ayaa aheyd goob maalmahan Ciidamada Booliska howl gal bur burin ka wadeen dhismayaal dad barakacayaal ka sameysteen Xaafada Afisyooni

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dablayda Shabaab oo Xabsi lagu dhibaateeyo shacabka ka furtay suuqa Bakaaraha

Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa Xabsiyo Qarsoodi ah ka sameystay Meelo ka mid ah Suuqa wayn ee Bakaaraha halkaasoo ay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah iyo qofkii ay u arkaan inuu ka soo horjeedo hab dhaqanka kooxdaas

Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa Xabsiyo ay dadka ku waxyeeleeyaan ka sameystay Xaafadaha laga barakacay ee ku yaalla Suuqa wayn ee Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Daawada iyo Meelo kale oo ka tirsan Suuqaasi.

“Qofkii ay qabtaan ama diido amarkooda waxay ku xiraan xabsigaas, waxaana maxkamad saaraya wiilal yar yar oo xataa diinta fahamkeedu ku adag yahay ama qaarkood wax diin ah anay aqoonin”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku sugan Suuqa Bakaaraha oo xabsigaas dhaqdhaqaaqiisa la socda.

Xabsigaas oo ku yaala dhabarka dambe ee suuqa Daawada oo Bakaaraha ku dhex yaala ayaa lagu xiray dad isugu jira Dumar iyo rag kuwaas oo qaarkood dil lagu xukumay qaar kalena jirdil loo geystay.

Sidoo kale Xabsigaas ayaa waxaa lagu xiraa Ganacsatada ka caga jiida bixinta lacag shabaabka ka qaataan ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Shabaabka waa koox mayal adag kuna xiran Al qaacida kana buuxaan kooxo dambiyo badan ka galay shacabka soomaaliyed.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Daawo Sawirada qoysas laga dumiyay degaan ay ka sameysteen agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa burburiyay dhismo KMG ah oo  boqolaal qoys oo ka soo barakacay xaafadaha magaalada muqdisho ka sameysteen xerada Afisyoone ee u dhow garoonka diyaarada Muqdisho.

Qoysaskan oo ahaa kuwo xaaladooda liidato ayuu maamulka gobolku  uga digay in ay ku sii nooladan agagaarka Garoonka Diyaaradaha sababo dhinaca amaanka ah, waxaana lagu wargeliyay qoysaskaas in ay isaga guuraan degaanka ay ka sameysteen agagaarka garoonka Diyaaradaha  ee muqdisho, balse qoysaska ayaa ka biya diiday go’aanka Maamulka Gobolka Banaadir taasina waxay keentay in la burburiyo dhismayaashas.

Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo C/llaahi Xassan Bariise ayaa saxaafadda u sheegay in ay sii wadayaan howlgaladani tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka guud ee gagida diyaaradaha.

Dhanka kale hey`adaha u dooda xuquuqda bini`aadamka ayaa sheegay in qoysaskii laga barakiciyay guryohooda aysan haysan meel ah tagaan.

Dadkii laga burburiyay guriyaha ayaa iyagoo caruurtooda wata la arkayay dar xumo ka muuqata

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowladda KMG oo soo gaaray Gawaarida Beebayaasha iyo Saanad Milateri uga soo degay Dekeda

Markab Saanad Milateri u siday Dowladda KMG oo shalay ku soo xirtay Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa la soo gaba gabeeyay dajintiisa, iyadoo Markabkana uu goor dhow ka shiraacday Dekeda

Sida ay sheegayaan wararka Markabkan ayaa saanad milateri u sida Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman ee loo yaqaano Beebayaasha iyo Gawaari lagu daabulo Ciidamada.

Mid ka mid ah Shaqaalaha ka howl gala Dekeda ayaa sheegay in Markab oo ahaa mid aad u weyn uu siday Saanado Milateri oo ay ku jireen Kunteenaro iyo Baabuurta loo yaqaano beebaha.

Inkastoo Dowladda KMG ka gaabsatay ka hadalka Markabka ayaa hadana xilligii uu shalay ku soo xiranayay Dekeda Magaalada waxaa galbinayay Markab dagaal oo ay Diyaarado ka kacayeen.

Xoogaga Mucaaradka ayaa markii ay ogaadeen in Markab saanad milateri ku xiran yahay Dekeda, waxay Madaafiic ku tuureen jihada dekeda, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay jawaabo ka bixiyeen.

Saanadan Milateri ayaa qeyb ka ah qorshaha dagaal ee ay wado Dowladda KMG, iyadoo Dowladda ay ku guda jirto diyaar garowgii u dambeeyay ee ku aadan weeraro ay beryahan la foolaneysay, kaasoo ay sheegtay in ay ku qaadeyso Mucaaradka ka soo horjeeda.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayay oo saaka ka dhoofay M/Muqdisho

Madaxweeynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh/Axmed iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka ka dhoofay Magaalada Muqdisho,ayagoo ku sii jeeda Dalka liibiya halkaas si ay uga qeybgalaan Shirmadaxeedka wadamada Jaamacada Carabta oo dhawaan ka dhicidoona magaalada Sirta ee Dalkaasi.

Magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa hore waxaa u joogay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengelo oo isna ka qeybgalay kulankii gogolxaarka ahaa ee Wasiirada arimaha dibada ee Wadamada Jaamacada Carabta oo maalintii shalay lagu soo gebagebeeyay Magaaladaasi Sirta.

Shirmadaxeedka Wadamada Jaamacada Carabta uga furmaya Dalka Liibiya ayaa la filayaa in lagu soo qaado Ajandayaal ay ka mid yihiin qadiyada Soomaaliya,iyo sida ugu haboon ee gacan looga siin karo Dowlada Soomaaliya,arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Sugida amaanka Dalka.

Shirkani ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan go’aano lagu taageerayo Dowlada Soomaaliya iyo qorshayaasheeda ku aadan sugida Amaanka dalka Soomaaliya oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka jireen dagaalo ay wadaan kooxo hubeeysan oo ka soo horjeeda Dowlada Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo sii laba jibaaray dhoofinta Lafaha laga soo saaray Qabuuro ku yaala muqdisho

Maleeshiyada Shabaab ayaa maalintii saddexaad magaalada Muqdisho waxa ay ka wadaan burburinta qabriyada mashaa’ikhda waaweyn ee Soomaaliyeed ee la siyaarto.

Shabaab ayaa maanta burburisay khabriga Shiikh Maxamed Biya-Maaloow ee ku yaallay degmada Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Shiikh Saciid Karatee oo Shabaab u qaabilsan burburinta qabriyada culamaa’udiinkaasi, ayaa waxa shir jaraa’id oo Muqdisho uu ku qabtay ku sheegay in ay ahaayeen qabriyadaasi shirkiyaad la caabudi jiray, taasina ay tahay sababta ay u burburinayaan.

Waxa uu sheegay inay maalmihii la soo dhaafay ay horey u soo burburiyeen qabriyadii Shiikh Muxidiin Cili, Xaaji Axmed, Shiikh Cali Cabdalla, Shiikh Cali Muumin, Shiikh Aadan Dheere.

Shabaab ayaa horey waxay u burburiyeen qabriyo kale oo ku yaallay gobolada Jubbooyinka, baary, Bakool, Gedo iyo Shabeellooyinka, kuwaasi oo ahaa culimada Soomaalida ee magaca weyn ku lahaa dalka.

Saciid Karatee waxa uu sheegay in marka ay burburiyaan la baxaan lafaha ku jira qabriyada oo ay ku duugaan sida uu yiri meelo aanay dadku ogeyn

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maqaal: Ahlusunna: Awood aan Aragti lahayn!.

Gadgaddoonka waayaha iyo kala rogodka maalmaha waxaa ka dhasha isbedel farxad leh marna naxdin leh, wixii qabax iyo qori dhacayey dagaalna dabada lahayey ee beel iyo qabiil loo diriray, qabqabluhuna uu ahaa calansidaha aan marna dhicin iyo udub dhexeedka halaagga, yaa is lahaa culimadaa ku lug yeelanaysa cadaabka lagu hayo umadda, “Waqtigaagoo dheeraada Geel dhalaana wuu ku tusaa” waa tii la yiriye, waxaa la yaab noqotay meesha wax ku dhammaadeen halka la taagan yahay iyo sida xaalku u xun yahay.

Markii wadaadadii dagaalka safka hore ka galeen, xooreen gadaalna iska mariyeen wixii ay kitaab ku rarnaa jireen, ama u kilkilaysnaa waligood, waxaa dhacay wax lala yaabo!, wadaadada dambe saansaan dagaaleed waaba lahaayeen, oo waxaa ka fanfaniinayey waligoodba Aayadaha Jihaadka iyo erayada dagaal galintee Ahlusunnana maxaa qaaday? Waa qormadeenna maanta, waxaanna ku eegi doonna sida ay ula falgashay dagaal diimeedka qaybna uga noqotay xerta meles iyo xigaalada Xabashida.

Alshabaab waa dhal feker diimeed xagjir ah, waxaa majiirtay hal adaygga mariidka leh ee ku salaysan nacaybka inta kale, waxaa fooshay xaglo isku dhaggan iyo xigmad gurracan, malaha ciriirigii ay soo mareen ayaa wuxuu wax u dhimay maankooda, waa kuwan dadka marjiya dhagaxna ku dilee!, dabcan inay ceego ku dilaanna waa wax aan fogayn oo la filan karo!, hab dhaqankooda fog iyo midkooda dhaw marka laga reebo magaca iyo tilmaamtan cusub, waxay kuu muujinaysaa inay waligoodba ku taamayeen waxyeelada dadka iyo dhibka umadda!.

Ahlusunna intii uu socday dagaalka sokeeye ee u dhexeeyey beelaha Soomaaliyeed qayb muuqata kama qaadan, micnaha lama arag tikniko Ahlusunna ku suntan oo dagaalka safka hore kaga jirta, waxay ku sii dhaganaayeen dhaqankoodii hore ee ahaa tusbaxa iyo wardiga oon laga daalin, waxaase la dhihi karaa kama marnayn xijaab xirka mooryaanta beesha dagaalka u ambabaxaysa, ama inay tahliil u tufaan gawaarida gaashaaman ee reerka loona qoofalay inay u baqoolaan weerarka beel kale, tani waa mid iska caadi ah maxaa yeelay qabqable walbaa wuxuu leeyahay wadaad uu ka ducaysto bunkana uu u dubo!.

Siduu u billowday dagaalka jihaadka iyo ku janno tagga diirka Soomaaligaa, waxaa si toos ah loo beegsaday xarumaha Ahlusunna, si gaar ah waxaa dhib weyn loogu gaystay xarumaha ay ku duugan yihiin culumo ka soo jeeda Ahlusunna, falkaa tacadiga ah waxaa gaystay Alshabaab oo iyagu fal kasta oo xun Alla ugu dhawaada, waxay burburiyeen dhismayaal, faageen qubuuro ay ku aasnaayeen wadaaddo caan ka ah gayiga Soomaaliya, qabuuro faagiddu waxay ku badan tahay kuna badnayd koofurta fog, gaar ahaan gobolada: Bay, Bakool, Gedo, iyo labada Jubbo, meeshaas oo si joogta ah ay uga dhacaan tacadiga loo gaysto mayd sanado hore lafa lafo noqday!.

Falalkaasi dabcan xanuunkooda ayey leeyihiin, waxayna si toos ah u taabanayaan Ahlusunna, Alshabaab daansi daansi kama ahan sida muuqata, waxayse ka tahay qalad sixid iyo toosin diimeed, waase yaabe diinta faraysa in dadka la dhibo waa tee? Kuma sii jirto hadduuba geeriyooday; in loo duceeyo waxaan ka ahayn ma mudna!, Alshabaab dhaqan xumada waa caadadooda, waxayna had iyo jeer ku hawlan yihiin sidii ay u tirtiri lahaayeen wixii iyaga ka soo hara, ama aan ku mabda’ ahayn in la kala diin duwanaado meesha kuma jirto, haddaad rabto Soomaali dhaladaba ahaaw!.

Ahlusunna waxay dagaal diimeedka sokeeyo soo gashay ka dib dhacdo xun oo ka dhacday magaalada Guriceel, taas oo ahayd ka dib markii Masjid gudihiis dhegta dhiigga loogu daray Sheekh gudaha Masjidka Kitaab ku laqbaynayey xertiina loo caga jugleeyey!, taas oo sababtay caro xooggan oo ku dhalisay Ahlusunna inay qoriga qaataan, qorigii ay qaateen illaa iminka waa sitaan, lamana garanayo xilliga ay dhigi doonaan, maxaa yeelay cid dammaanad qaadi karta dhigista qori diimeedka Ahlusunna ma jirto, waxayba ku heleen in awood qaybsi la galaan dawadda, maalmaha dambana waa kayd ay la shirtagi doonaan!.

Dhacdadaasi waxay Ahlusunna ku kicisay dacartii ku gaamurtay sanadihii fawdada, waxay ku doodeen: “Luq horaa Laqanyo kicisa”, awalbaan gacan ku gambad ahayne ma waxay nogu dareen inay Masaajidda nagu dhex dilaan?, Allaylehe waa gunnimo gablanse aan loo ahayn, maxaa yeelay imisa kuray ayey madaxa u hagoogeen cimaamad cadna u duubeen? Waxaa meesha ka dhacay nagama diin fiicna nagama rag fiicna ee waa inaan fadhiga ka kacnaa!.

Ahlusunna waxay guluf colaadeed ka billowday deeganada loo yaqaan gobolada dhexe, dad badanina ay dusha ka saaraan eedda burburka Soomaaliya, run ahaantii Ahlusunna waxay dagaaladii ay la gashay Alshabaab iyo xulufadooda ka soo hoysay guulo la taaban karo, waxay ka sifeeyeen deegaanadaa Alshabaab iyo wixii ulohooda wata, taas waxaa loo arkay arin aad u wanaagsan, waxaa laga soo dhaweeyey gudaha iyo dibadda.

Isla markii dawladda Sh. Shiriif waxay kulan la qaadatay madaxda Ahlusunna, waxay kala saxiixdeen heshiis isafgarad oo ku biyo shubanaya is xulufaysi iyo is cududsi, arintaasi waa hirglay heshiiskaa heer ay markii dambe wada saxiixdaan heshiiska awood qaybsiga ee ka dhaacy Addis Ababa, muddo gaaban ka dib madaxweyne Sh. Shariif wuxuu usha feker diimeedka ku dhuftay Ahlusunna, isaga oo ku tilmaamay inaysan waxba ka duwanayan kooxo diimeedka ka jira Soomaaliya, taas oo aad uga caraysiisay madaxda Ahlusunna, hadalka madaxweyne Shariif wuxuu sal u yahay ferker diimeedka ka guuxaya maankiisa.

Sh.shariif madashaas wuu ku fashilmay waxna kama yaqaan xulufaysi iyo xeelad siyaasadeed, maxaa yeelay ujeedka isu keentay waa: cadawgaaga cadaygiisu waa saaxiibkaa, taas oo ahayd in madaxweyne Shariif inta feker diimeedka dib u dhigto uu difaaco Ahlusunna, balse ma garan oo wuu garab maray, sida uu u halgaaday ayuu berrina hadduu awood fiican helo u hareer mari doonaa!, maxaa yeelay geed walbaa wuxuu dhiimaa dhacaankiis, Shiikhuna wuxuu ku hadlay waa arin uu aminsan yahay, waxaase isaga qasan feker diimeedka iyo feker siyaasadeedku inaysan isku meel galin, isku sina u shaqayn!.

Ahlusunna waxay cudud fiican ka heshay dawladda aan dariska nahay ee Xabashida, taas waa arin qarsoodi ah, ugama jeedo dhacdo ahaan, balse waxaan uga jeedaa in madaxda Ahlusunna aysan qirsanayn qirinna doonin, ceeb ma ahan inaad colkaaga cudud u raadsato, walow aad shaydaanba calaf ka daydid, balse meesha waxaa yaal dhacdo taariikhda gashay, uur ku taallana reebi doonta, maxaa yeelay Xabashi waa loo wada xeraystay, markii hore qabqablayaasha kaliya ayaa lagu eedayn jiray inay u xaluushaan Xabashida, haddase xaalku wuxuu marayaa culimadiina inay u kala dhuuntaan!.

Hubka ay ku dagaal galaan Ahlusunna qayb badan oo ka mid ah wuxuu ka yimaada Itoobiya, taas waxaa caddayn doono waqtiga iyo goob-joogayaasha, ee taas dhan dheh, aan ku laabto deegaanka ay Ahlusunna ka taliyaan ee laga sifeeyey Alshabaab, muxuu ugu koobnaaday degmooyinka: Dhuusamareeb, Guriceel, Matabaan, Cadaado iyo Cabudwaaq, marka aad dhanka xeebta aaddo isla deegaanka gobalkaas ma muuqato sifaynta ka dhacday degaanadaa, gobolada koofureed iyaga warkoodba iska daa, haddaba su’aal aan halkaan dhigo: maxaa ku koobay deeganada laga sifeeyey Alshabaab dhawr degmo oo ka mid ah gobolada dhexe? Maxaa looga sifayn waayey deegaanada kale ee ka tirsan isla gobolada dhexe?.

Su’aashaas waxaan uga dan leeyahay inaan arin yar ku miijiyo, aanse ku hormaro: Ahlusunna miyey joogin gobolada kale ee dalka? Miyeysan joogin caasimadda Muqdisha? Maxaa looga waayey wax dhaqdhaqaaq ah oo ay ka sameeyaan gobolada kale? Maxay wax uga qaban la’yihiin meelaha duminta joogtada ah lagu hayo? Maxay uga hortagi la’yihiin meelaha qabuuro faagiddu ka noqotay shaqo maalmeedka? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa maanka ku soo dhacaya, marka aad si qoto leh u eegto waxa ka dhacaya deegaanadaa.

Waxaa lagu doodi karaa deegaanadaa dadka deggan lama dhihi karo hal qabiil, waa beelo isku milan ood-wadaagna ah, markuu dagaal dhaco mooyee inta kale isku mawqif ah, markase dagaal dhoco waa isku shiilmaan ama isku gamaaraan!, sheekado sidaa ma ahan, runta aan ka abbaarno arinta, Dhuusamareebna waa laga sifiiyey Xamarna waa u fasaxan yihiin Alshabaab farbaa ku godan? Mid ahaan waa tallaabo geesinimo iyo raganimo leh waa midda ah inaan laga helayn Alshabaab Dhuusamareeb, balse Ahlusunnada Dhuusamreeb maxay kaga duwan yihiin kuwa Xamar? Bal taas ii jilciya Soomaalaay!, meesha kala duwaanaansho ma taalle waxaa yaal garabgal beeleed iyo gaabsi beeleed oo ka kala jira labada degmo!.

Siduu u dhacay shirkii Addis Ababa waxaa soo batay cododka diidan natiijada Shirka, diidmadu waxay ku salaysan tahay mar qaab beeleed oo waxaa lagu eedeeyey beesha ka soo jeedda degmada aan kor ku xusnay inay isku gaaryeeshay shirka, teeda kale waxaa lagu diiday shirka qaabka uu u dhacay meesha uu ka dhacay iyo dadka ka soo qayb galay, taas waxay keeni kartaa Ahlusunna oo laba qayb noqota ama laba garab yeelata, waxaas intaas ka sii muhimsan guux beeleedka jira marka la eego awoodda sida loo qaybin doono!.

Ahlusunna waxay heshay magac ballaaran, waxaa u suura galay inay qayb ka noqoto kooxaha wax laga weydiiyo xalraadinta Soomaaliya, waxay kulamo dhawr ah la yeelatay dan-jirayaasha dalal badan u jooga Kenya, haba ugu muhimsanaadeen kuwa reer galbeedka, dhanka kale Ahlusunna waxay dhawaan dawladda Sh. Shariif la gashay Shir ka dhacay dalka Itoobiya, waa su’aale shirka meel kale oo lagu qabto miyaa la waayey? Ilama ahan, waxa laga damacsanaa waa raaali galinta Itoobiya sida iska muuqata, haddii kale shirku muxuu uga dhici waayey Cadaado, Cabadwaaq ama Dhuusamereeb? Ama goob ka mid ah dalka ama wadan kale!.

In badan Ahlusunna waxay ku celcelisay inaysan xildoon ahayn, haddaba
haddaadnaan xildoon ahayn maxaad ilaa Addis ababa u sii kadlaynayseen? Mise Addis waa golaha xajka siyaasi isku sheegga Soomaalida? Marka idinna waad ku gawracnaydeen inaad tagtaan Addis Ababa? Waa sheeko ii dheh ah xil ma doonaynno, caruurta xittaa idinkama koobinayso ee miyaadnaan xishoonayn?.

Ahlusnna waa awood aan aragti lahayn, maxaa yeelay dagaalada dhaca intooda badan iyaga ayaa ku gacan sarreeya, haddana ma jirto wax muuqda oo ay qabtaan daagalka ka dib, had iyo jeer waxay ku celceliyaan inay qaadayaan dagaal kama dambays ah iyo inay ka sifeeyeen Alshabaab deegaanda ay gacanta ku hayaan, waa arin fiican, balse maxay ugu dari la’yihiin aragti maamul iyo mid siyaasadeed, noloshu ma ahan dagaal ku jir kaliya, ma ahan raacdo joog ee waxay u baahan tahay qaabayn isku xiran oo dhammays tiran, taasna waa midda ka maqan ilaa imika Ahlusunna, khilaafka soo kala dex galay waaba meeshiisa!.

Deegaanada ay iminka gacanta ku hayaan Ahlusunna waxaa ku dhuftay abaaro ba’an, cid ka hadashay ama cod ku tiri dadkaa halla gargaaro ma jirto, waxaan wada xasuusannaa maamulkii Maxkamadaha berigii ay dheceen fatahaadyada Wabiyada inta ay dadaal muujiyen, balse dhanka Ahlusunna lagama arag dhaqdhaqaaq caynkaa ah, waana qayb ka mid ah habacsanaanta ay la dhacdiidaan, dhanka kale maamullo adag kama dhisna meelaha ay ka taliyaan haddii ay ka dhisan yihiin ma muuqato wax qabadkooda iyo tallaabooyin ay damacsan yihiin inay qaadaan!.

Ugu dambayn Ahlusunna waa cucudda iminka hortaagan Alshabaab, waa tii la yiri: Balaayo balaayo u lahaaw” waxaan uga jeedaa aragtida dagaal ay wada wataan ayaa hal meel kuwada arooraysa ama ka soo wada jeedda!, taas ayaana waxay kenaysaa in aan inta kale sidaa ugu tafaxaydan ama ugu babac dhigin, arinta maqani waa in Ahlusunno ku daraan cududda dagaal cudud caqliyeed, la yimaadaan aragti furan wax qabad muuqda iyo siyaasad dabacsan.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Kartoon Sawir ka muujinaya Dowladda KMG ah iyo Ahlu sunna

Waa kartoon Sawir gacameed ah oo ka turjumaya Siyaasadda dalka wixii ugu dambeeyay gaar ahaan Dowladda KMG ah iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo dhawaan heshiis ku gaaray in ay midooban

Posted in DhacdooyinComments (0)

Soomaali lagu tuhunsan yahay Al qaacida oo lagu xirxiray dalka Sacuudiga

Saudi Arabia waxay muddaba tuhunsanayd in al Qaacida ay hadda iyada oo ka faa’ideysneysa xasillooni darrada Yemen, ay damacsan tahay in ay weerarto Saudi Arabia iyo meelo ka baxsamba.

Waxaa laga cabsi qabaa in intii soohdinta Woqooyi ee Yemen, oo ay dowladaha Sucuudiga iyo Yementu ay kula dagaallamayeen kooxaha Shiicada ee gooni isu taagga wada, in al Qaacida ay iyadu ku mashquulsanayd in ay dhisto xeryo ay ku tababbarato.

Xariggan ugu dambeeyay waxaa uu ka dhigan yahay in kooxahan mintidka ahi ay ka tallaabayaan soohdinta oo ay markaa isticmaalayaan xiriirro ay ku leeyihiin Sucuudiga gudihiisa si ay u weeraraan goobaha waaweyn ee saliidda.

Wasaaradda arrimaha Guduhu waxay sheegtay in ay xirtay 101 ruux oo qaarkood ay ka soo jeedan waa dadka la xirxiray dalka soomaaliya.

47 ka mid ahi waxay u dhasheen Sucuudi, inta kale waxay isugu jiraan Yemen, Soomaali, Eritrean iyo Bangladesh.

Dowladdu waxaa kale oo ay sheegtay in ay laba kooxood oo kale ay qabatay, soona xirtay guud ahaan 12 ruux oo badankood Sucuudi ah.

Labadaa kooxood oo kala madax bannaanaa waxay labaduba qaban qaabinayeen weerarro.

Sucuudigu wuxuu sheegayaa in markii uu dadkan soo qab qabanayay uu ka helay hub, rasaas, maab ama khariidad, filim, qalab kombiyuutar iyo lacag fara badan.

Ilaa iyo hadda lama oga goobaha saliidda oo ay weerari rabeen kuwa ay yihiin iyo in ay yihiin kuwa ay leeyihiin ama maamulaan sharikado reer galbeed ah.

Af hayeenka Wasaardda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Mansour El Torky, waxaa uu sheegay in ay ku daba jireen dadka la tuhunsan yahay in ay hawshan hormuudka ka ahaayeen, haddana la soo qabtay.

Waxaa uu sheegay in dadka hadda gacanta lagu dhigay ay ku jiraan qaar loo diyaarinayay in ay is qarxiyaan, waxaana jira warar sheegaya in ay damacsanaayeen in ay bartilmaameed ka dhigtaan ciidanka iyo hey’adaha ammaanka ee Sucuudiga.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ma aysan shaacin magacyada dadka ka soo jeeda soomaaliya ee lagu tuhunsan yahay falal argigixiso in ay ka fulin lahaayeen dalkeeda.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sayid Maxamed halkuu ku aasan yahay?

Ethiopia waxaa laga bilaabay baaritaan lagu samaynayo halkuu ku aasan yahay Hoggaamiyihii daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay bilaabeen raad-raaca halka uu ku aasan yahay hoggaamiyihii daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee la dagaalami jiray gumaystihii Biritan ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Haddaba halkee ayuu ku aasan yahay Sayid Maxamed Cabdullle Xasan.

Horraantii 1920-Kii ayaa ciidamada Biritishku ay jebiyeen daraawiishta, taasina waxay ku qasabtay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo ciidankiisii inay u baxsadaan dhinaca Shabeellada Sare, waxayna tageen degmada Iimaay oo haatan ka tirsan gobolka Af-dheer ee dhulka Soomaalida Itoobiya. Taariikhyahanka Soomaaliga ee Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka warramaya ayaa sheegay in Sayid Maxamed Cabdulle Xasan lagu aasay Iimay, balse halkaasi laga saaray dhowr sano kadib lana geeyey degaan lagu magacaabo Jarjari.

Hase yeeshee khubarada Dhaqanka ee Ismaamulka Soomaalidu waxay sheegeen in loo tilmaamay 22 xabaalood oo ku yaalla Raydiito ee gobolka Baali oo loo sheegay in laga yaabo midkood inuu ku aasan yahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxayna sheegeen inay adeegsan doonaan farsamada hidde-raaca ee DNA-da si ay ku aqoonsadaan qalfoofka Sayidka kan uu yahay.

Guuleed Casoowe oo ah Madaxa Xafiiska Warfaafinta iyo Dhaqanka ee gobolka Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in haddii ay helaan qalfoofka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan inay dib ugu soo celin doonaan degmada Iimay.

 Xigasho VOA Somali

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo dhoofinaya Lafaha meydadka laga soo saaray Qabuuro ku yaala muqdisho

Kooxda Shabaab ayaa haatan Burburin kale ka bilaabay Qubuurihii Sheekh Aadan Dheere iyo Sheekh Cali Muumin oo ku yaalay degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ayaa saaka burburiyay Qabriga Sheekh Aadan Dheere oo ku yaala agagaarka Xararyaale iyo kan Sheekh Cali Muumin oo ku yaala xaafada laba dhagax ee degmada Wardhiigleey sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Labada Sheekh oo qubuurahooda laga soo saarayo ayaa ka mid ahaa Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee magaca weyn ku lahaa fidinta Diinta Islaamka waxaana Sheekh Aadan Dheere, Sheekh u ahaa Sheekh Muxudiin Celi,halka Sheekh Cali Muumina ay isku meel Diinta ka baerteen Sheeekh Muxudiin Celi.

Kooxda Shabaab ayaa maalintii shalay Muqdisho ka bilowday olole ay ku burburineeyso Qubuuraha mashaa’ikhda Soomaaliyeed,waxeeyna Maalintii Shalay lafahoodii la baxeen Sheekh Muxudiin Celi.Sheekh Axmed Xaaji Cabdi iyo Sheekh Cali Cabdulle,halka maantana ay qaaten lafihii Sheekh Aadan Dheere iyo Sheekh Cali Muumin taas oo ka yaabisay dadka soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo hore u bartay ficilada xaddhaafka ah oo ay ku kacaan kooxda Shabaab kuwaas oo ka fog shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Posted in DhacdooyinComments (0)

Burcad badeed la dilay

Burcad badeed Soomaali ah ayaa la toogtay oo dhintay markii ay isku dayeen inay afduubaan markab xamuul oo marayay xeebaha Soomaaliya.

Waxaa toogtay niman ka tirsanaa ilaalada shirkad gaar loo leeyahay ciidamada midowga yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in markabka oo la yiraahdo Almezaan oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta la weeraray shalay, laakiin ay rasaas ugu jawaabeen ilaalidii saarneyd.

Waxay sheegeen in burcad badeedka ay ku dhacday rasaastii la is weydaarsadey oo uu ku dhintay.

Waa markii ugu horeysay ee bucad badeed Soomaali ah ay dilaan ilaalada shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Ciidamada Midowga Yurub waxa ay sheegeen in markab kuwa dagaalka oo laga leeyahay Spain uu raacdeystay kadibna uu qabtay lix ka mid ahaa burcadda

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sh. Shriif Sh. Muxiyadiin Celi “Ficilka Al-Shabaab ay ku bur burinayso Qabuuraha waa mid diinta Islaamka ka soo horjeedo”

Dr. Sheekh Shariif Sh.Muxudiin Celi Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka hadlay bur burinta Qabuuraha Mashaa’ikhda Islaamka ee Soomaaliya, isagoo si kulul u cambaareeyay tallaabada Shabaabku ku bur buriyeen qabrigii Aabihiis.

“Ficilka Al-Shabaab ay ku bur burinayso Qabuuraha waa mid diinta Islaamka ka soo horjeedo, Siyaartu Qabuurna waa Banaan tahay, Qofkii angga cilmi nagu dhan ha yimaado, Mowlacaasi Diinta Islaamka ayaa lgu faafin Jiray, Mana Jirto cid Qabuuro cabudaysay ee Alle ayaa la caabudaa” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in kooxha burburiyay Qabuuraha ay yihiin kuwo aan diinta Islaamka garanayn.

Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celli ayaa sheegy in dhaqamada Al-Shabaab ay tahay mid aan waafaqsanayn Diinta Islaamka, wuxuuna sheegy in Lafihii Sheekha ay qaateen Al-Shabaab, wuxuuna sheegy iny been tahay in dad Qabriyada Caabudaayay ay Mowlacaasi ku soo arkeen, “Markii madaafiic dhacdo ayay dadka Shubka ka geli jireen, markasey arkeen, waxaasi ma aha diin” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Siyaartu Qabuurna waa Banaan tahay, Qofkii angga cilmi nagu dhan ha yimaado, waxaan dhahayaa wax kasta waxa ay ku dhaceen Qadrta Alle” yuu yiri Sheekh Shriif oo sheegay in Mowlca ay deganaayee dad aad u dan yar oo uu sheegy inay ka koobnaayeen qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in la qaatay dhamaan wixii hanti ah ee tiilay Mowlacaas, isagoo sheegay inuu si aad ah ula yaaban yahay in Hantida dadka Islaamka iyana ma munkaraa, maxay u qaadanaayaan, wuxuuna cadeeyay in Diinta Islaamka ku banaanyn in hntida dadka la dhaco, islamarkaana Qabuuraha Islamka la qoto.

“Dowldda KMG ah ee Soomaliya ayaa laga rabaa in dulinimadaasi ay dadka ka dul qaato, sababtoo ah iyadaa Mas’uul ka saaran yahay, Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe degan waa dad degan meel cirif ah oo is abaabulay, blse anaga waa nala kor deganahay, xageen u dhqaqnaa, Dowladda ayan ka sugayna inay kooxahasi ka qabto dalka ka qabato, hadii kale iyadaa loogu tagaa fadhigeeda” ayuu yiri Sheekh Shariif

Posted in DhacdooyinComments (0)

Daawo Sawirada Maleeshiyada shabaab oo dhulka dhigay Qabriga Sheekh mixidiin Celi

waxa Aroornimadi saakay ka dhacay Degmada kaaraan ee Magaalada Muqdisho fal argagax iyo uurkutaalo reebay kaasi oo ahaa bur burin loo geestay Qabuuro ay ku duugan yihiin Culuma’udiinka caanka ah ee Sheekh Muxyidiin Celi iyo Sheekh Axmed Xaaji Cabdi.�
 

Sheekh Muxyidin Celi oo ah sheikh ku caan baxay Fidinta diinta islaamka isla markaana lahaa burhaan aad uweyn ayaa sidoo kale waxa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa culimada ugu caansan ee soo mara culum’udiinka somaliyeed�

Sheekh muxidiin ayaa sidoo kale waxa uu halgan taariikhi ah laoso galay gumeestihi talyaaniga, isagoo sidoo kalena dodo kulul dhax mareen dowladihi dalka soo maray qaarkood kadib marki ay isku dayeen marar badan howlihiisa dacwada in ay ka horyimaadaan taasi oo sheekha dharaar cad meel saaray. 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Somali families want justice for slain sons

Somali-Canadian families in the Greater Toronto Area are demanding justice after 29 of their sons have been slain in separate incidents in Alberta in recent years and only one arrest has been made.

 

In the past five years, 29 men have been killed in Calgary, Edmonton and Fort McMurray in what police there describe as an escalating gang and drug turf war. But some of the men were simply in the wrong place at the wrong time or hung around with the wrong people, police said.

Almost all of the slain men were born or raised in the Toronto area and some headed west to find jobs in the oil patch, their families say

On Oct. 31, 2008, Abas Abukar, 21, an electrical technician, was shot to death in Edmonton. Police suspect he had friends who were involved in Alberta’s gangs and drug trade. But his death remains unsolved, and his family says Edmonton police haven’t done enough.

“They stated that in the news when he passed away it was supposedly gang related,” said his sister Asha Abukar. “But I believe that they feel that it’s better they kill each other off than housing them in jails. And that really breaks our hearts because my brother was not a criminal. My brother was a guy who was trying to start his life.”

Abdulkadir Mahmoud, 23, was also killed in Edmonton in December 2008. No arrests have been made in his case.

“It’s like something that keeps on happening, especially in Edmonton, Alberta,” said his sister Aisha Mahmoud. “Somalis are the most being killed and … you don’t hear sudden deaths like you don’t hear car accidents much, or you don’t hear they died of a coma or cancer. You hear they were shot in the head.”

Many of the deaths have been public execution-style slayings, family members say.

“It seems like they want to send out a message, like, do not come near us,” Mahmoud said.

Alberta police agree, saying some of the killings have been “a message to Toronto,” the CBC’s John Lancaster reported.

Michael Chettleburgh, an expert on street gangs and president of Astwood Strategy Corp., said, “When you have new guys show up on the block, the only way that you can protect your drug turf is through violence, and violence has become normalized on the street.”

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hub culus ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Taleex ilaa Taribune-ka ee degmada Hawl-Dawaag.

Weli lama oga khasaaraha dagaalka uu u geysanayo dadka ku nool goobaha lagu dagaallamayo.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan inay jirto duqeyn xaafadaha magaalada qaarkood loo geystay, oo ka imanaysa dhinaca ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo Dhulka ku daray Qabrigii Sheekh Muxidiin Celi

Maleeshiyada Alshabaab ayaa saaka bur burin kula dhaqaaqay Qabriga Sheekh Muxidiin Celi oo ka mid ahaa Mashaa’ikhda Dariiqada qaadiriyada magaca weyn ku lahaa dalka Soomaaliya.

dablay wata gawaarida dagaalka oo aad u hubeysan ayaa saaka gudaha u galay Mowlaca Sheekh Muxudiin Celi ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Sanca waxayna durbadiiba bilaabeen inay bur buriyaan Qabrigii uu ku aasnaa Sheekh Muxidiin Celi.

Wararka aan ka helnay goob joogayaal Mowlaca ku sugnaa ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka oo watay qalab ay ku bur buriyeen Qabrigaasi oo ahaa budad waa weyn, ayaa sidoo kale waxay u dhaadhaceen guryaha uu Mowlaca ka deganaa Sheekh Shariif Sheekh Muxidiin oo ah hogaamiyaha Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah.

Al-Shabaab waxa ay qaateen dhamaan wixii yiilay gurigaasi, waxayna baaritaano ku sameeyeen qolalka iyadoo wararka qaar oo aanan wali xaqiijin ay sheegayaan inay la baxeen baabuurkii gaarka u ahaa Sheekh Shariif Sheekh Muxidiin Celi.

Qorshaha qabuurahaani ay ku burburiyeen dablayda Al-Shabaab ayaa daba socda ama qeyb ka ah qorshe ay bilahaan dambe oo dhan meelaha ay ka taliyaan kaga burburinayeen Qabuuraha ay ku aasan yihiin Culumaa’udiinkii hore ee Caanka ahaa, islamarkaana Mashaa’iq badan soo wax bartay.

Sheekh Muxidiin Celi ayaa ka mid ahaa mashaa’iqda soomaaliyeed kuwo si weyn loo qadariyo, iyadoo uu la dagaalamay sheekhu gumeystihii talyaaniga

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qarax lagu weeraray guriga Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Boosaaso

Kooxo aan la garaneyin cida ay ka amar qaataan ayaa fiidnimadii xalay bam gacmeed ku tuuray hoyga ku xigeenka gudoomiyaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo ku yaala agagaarka xarunta Ex-shirkadii Isgaarsiinta NETCO ee bariga magaalada Boosaaso.

Qaraxyadan  ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiye ku-xigeenka magaalada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir iyo afar ka mid ah caruurtiisa oo xiligaasi ku sugnaa meel dusha ka furan oo ku dhex taala gurigiisa.

Dhaawacyada gudoomiye ku-xigeenka iyo afarka mid ah caruurtiisa oo ahaa kuwo aad u fudud ayaa laga saaray isla xalay isbitaalka magaalkada Boosaao oo markii uu qaraxu dhacay loola soo cararay, iyagoo haatana ku sugan hoygooda, xaaladooda caafimaadna la sheegayo iney fiican tahay

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ama koox sheegatay qaraxyadan balse Maamulka Puntland ayaa waxaa uu tuhunsan yahay kooxda mayalka adag shabaab in ay soo abaabushay qaraxyadan.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku sugan waqtigan magaalada boosaaso.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay Prof. Ibbi nuu isagu ka danbeeyo dhaliisha Maamulka Puntland uga timid Qaramada Midoobey

C/raxmaan Maxamed Faroole  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayay saakay gaaray Magaalada Boosaaso ayaa halkaasi waxa uu ku qabtay shir jaraa’id oo inta badan uu uga hadlayay warkii Qaramada Midoobey ka soo baxay ee isaga eedeynta looga jeediyay.Madaxweyne Faroole waxaa uu sheegay in eedeynta loo jeediyay Dowlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan isaga shaqsiyadiisa kadib markii lagu dhaliilay inuu la shaqeeyo kooxaha burcad badeeda Soomaalida.”Waxa beentaasi Qaramada Midoobey u hingaadiyay waan la soconaa,  waxaa ka danbeeya

waa wasiirka Kaluumeysiga Dowlada KMG Soomaaliya Prof. C/raxmaan Ibbi mana aha mid aan ka hari doono ” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka puntland.

Madaxweyne faroole waxa uu si weyn ugu eedeeyay  Ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumeysiag inuu isagu ka danbeeyo warbixinta ka soo Baxday hay’ada daba galka hubka ee Qaramada Midoobey .

“Waa kuwo ka soo horjeeda oo kaliya nabada ka jirta maamulka  Puntland, taas ayaana keeneysa in wararka nuucaani oo kale ah la soo abaabulo” ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo sheegay in warbixintaasi ay tahay mid Been abuur ah.

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in warbixintaasi ay tahay mid Been abuur ah oo la soo  dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin, wuxuuna  warbixinta Qaramada Midoobey ka soo baxday ee Dowlada Goboleedka Puntland lagu dhaliilay sheegay inay tahay been tii ugu weynayd oo maamulkaasi laga sheego

Posted in DhacdooyinComments (0)

Guri uu Degmada kaaran ka deganaa horjooge Ajnabi ah oo xalay la weeraray

Weeraro Bambaanooyin iyo raasaas culus ah oo muddo la si weydaarsaday ayaa xalay laga maqlay guri uu dagmada kaaraan si xoog ah uga deganyahay horjooge Ajnabi ah oo ka tirsan Al qaacida balse ka barbar dagaalama kooxda shabaab.

Weerarkaan oo ka dhacay xaafadda Xaji Culumo oo ka tirsan Degmada Kaaraan ayaa Kooxo hubeeysan  habeenkii xalay weerar ku qaadeen hooy xaafadasi uu si qasab ah uga deganaa Horjooge Ajnabi ah, kaasoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay ayadoo qaraxyo dhowr ah laga maqlayay gudaha Guriga la weeraray.

Sida ay sheegayan wararka ninkan la weeraray waxaa uu ka mid ahaa dagaalyahanada Al qaacida ee soomaaliya ku sugan, waxaana weerarka lagu qaaday fuliyay isla maleeshiyo ka tirsan shabaabka.

Maleeshiyaadkaas ayaa dadka deegaanka u diiday in ay wax dhaq dhaqaq ah sameeyaan kuwaas oo dadka deegaanka guryahooda ku celiyay waxii ka dambeeyay  markii la tukaday salaada maqrib,waxaana  xaafadaasi soo buuxiyay maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan kooxda Shabab ee deeganadaas dhibaatada ka wada.

Lama oga inuu dhintay ninkaas ajanabiga ahaa iyo in kale laakiin weerarka ayaa waxaa uu ahaa mid qorsheysanaa oo muddo socday.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka Magaalada Kismaayo oo qarka u saaran in ay dagaalaman

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada xeebta ku taala ee Kismaayo Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay maamulada ururka Alshabaab ee Gobolada Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Maleeshiyada shabaab gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalada Dekeda leh ee ku taala koonfurta Soomaaliya Kismaayo ayaa murankooda ku dhaw yahay gacan ku hadal dhex mara maleeshiyadaas.

Khilaafka waxaa uu ka danbeeyay kadib markii Sarkaal al shabaab ka tirsanaa oo habeenimadii sabtida lagu dilay xaafadda Siinaay ee gudaha magaalada Kismaayo, Xubno sare oo shabaab ka tirsan ayaa xabsiga la dhigay kadib markii looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen dilka sarkaalkaasi.

Ilaa laba xubnood oo sare ayaa la dhigay xabsi ku yaala magalada Dhoobleey, Xarigga saraakiishaasi kadib waxaa israsaasayn ay dhaxmartay laba dablay oo ka wada tirsan al shabaab ee magaalada Dhoobley oo ku taalal xadka wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Khilaafka wakhtigan ka soo dhex cusboonaaday Al shabaab ee Jubooyinka ayaan la ogeyn halka uu ku dambayn doono, ayadoo warar kale oo laga helayo jubooyinkana ay sheegayaan in laga yaabo in hab qabiil uu isu baddalo Khilaafkan.

Qaar ka mid ah maleeshiyada shabaab ayaa waxay ku doodayaan in maamulka cusub ee shabaabka dhawaan kaga dhawaaqen Kismaayo uu yahay mid xaaran ah oo la isku raacsanayn, halka kuwa kale iyagana ay ku faraxsan yihiin maamulka cusub.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wasiiro Madaxweynaha ku dhaw oo xilalkooda weyn doonaan

Iyadoo dhowaan heshiis dhigaya awood qeybsi dhex mara Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah Waljamaacah ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa in dhowaan heshiiskaas si rasmi loo dhaqan geliyo, taasoo u gogol xaareysa ku soo biirida Ahlu Sunah dhinaca Dowladda KMG.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dhowaan Wasiiro miisaan culus ku leh dhinaca Dowladda ay weyn doonaan xilkooda, marka si rasmi loo bilaabo dhaqan gelinta tooska ah ee Heshiiskii Addis Ababa.

Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeelato isku shaandheyn rasmi oo lagu sameeyo, iyadoo Tiro Wasiiro ah ay ka heli doonaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah oo ka mid ah awoodaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sida aanu ku heleyno Xogta Wasiirada booskooda weyn doona ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Shariif iyo ninka kale ee aan ka dheereyn Madaxweynaha Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga.

Xogtan ayaa sheegeysa in Ahlu Sunah markii hore ay dalbatay in ay hesho Ra’iisul Wasaare, hase ahaatee cadaadis Beesha Caalamka uga yimid ugu dambeyn ogolaatay, ha yeeshee waxay haatan quudareynayaan xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xilka Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.

Ka sokow shaqsiyaadka la calaamadeynayo in ay xilkooda weynayaan, waxaa jira xubno kale oo iyana saameyneyso heshiiska awood qeybsiga, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa ku dhegan xubno uu u arko in ay laf dhabar u yihiin Dowladda KMG, sida Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Jaamac Jengeli iyo ninka kale ee Madaxweynaha dhinaca difaaca ugu dhaarto Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Jaalle Indha Cadde, kuwaasoo ay noqon doonaan lama taabtaan.

Madaxweyne Shariif ayaa weynaya garabyo muhiim u ah oo ay saaxib dhow yihiin, gaar ahaan Xubnihii ay Maxkamadaha Islaamka ka tirsanaayeen, waana caqabad Madaxweynaha soo food saareyso, iyadoo marka loo eego qorshahan ay meesha ka saari doonto xulufeysiga Madaxweyne Shariif iyo kooxdiisa Aala Sheekh, kuwaasoo noqday awooda kaliya ee haatan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku xoogan.

Ahlu Sunah ayaa dooneysa in ay soo xulato ragg rug cadaa ah oo qaarkood dibada ka imaanaya si ay ugu matalaan Dowladda wada barxan ee haatan saddex garab ka koobnaan doonta, waxaana ay il gaar ah ku hayaan qorshe hoosaayo Madaxtooyada ka socda, kaasoo ah shax siyaasadeed ay wadaan garbaha Madaxweyne Shariif.

Dhaqan gelinta heshiiskii Addis Ababa oo la filayo in muddo bil gudahood ku dhacdo ayaa la ogeyn sida labada dhinac oo kala shaki uu ku dhex jiro uga dhabeyn karaan balan-qaadkooda, ha yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa farqaha u gelisay Ahlu Sunah lacag dhan 10-milyan oo Doolar oo lagu meel marinayo heshiiskaas.

Hadii Ahlu Sunah ku soo biirto Dowladda Soomaaliya, waxay noqoneysaa garabkii 3aad ee Dowladda ka tirsan, kadib markii sanadkii la soo dhaafay shirweynihii Jabuuti la isku mideeyay TFG-dii lagu soo dhisay Kenya iyo Isbaheysigii Dib u Xoreynta ee Casmara

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo horjooge Xisbul-Islaam ka tirsan ku dilay Galguduud

Maleeshiyada Shabaab ayaa horjooge ka tirsan Xisbul-Islaam si bereer ah ugu toogtay Deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali Cawaale islamarkaana maleeshiyada Xisbiga u qaabilsanaa Tuulada Garable ee gobolka Galgaduud ayaa xalay maleeshiyada      Al Shabab ay dil ugu gaysteen isla tuuladasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in koox hubeysan ay meel fagaare ah ku toogteen horjoogahaan oo maamulayay tuulooyin ay Xisbigu ay ka joogaan Galguduud, ayadoo tuulada Garable ay iskula sugan yihiin labada maleeshiyo ee Shabaab iyo Xisbul-Islaam.

Wararka laga helayo tuulada garable aya shegaya in xiisad colaadeed laga dareemayo, ayadoona ay maleeshiyaadku si dareen leh ugu wada sugan yihiin tuulada.

Falkaan lagu dilay horjoogaha ka tirsan Xisbul-Islaam ayaa ku soo aadaya xilli habeen hore dil loogu gaystay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose horjooge ka tirsan maleeshiyada Shabab, kaas oo la rumaysan yahay in dilkiisa ay ka dambeeyeen maleeshiyo taabacsan Xisbiga

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mareykanka oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xiriirka ka dhaxeyn kara Shabaab, Al-Qaacida iyo Burcad badeedka

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in aysan u muuqan xiriir mideysan oo ka dhaxeeya Burcad Badeeda Soomaalida,Ururka Alshabaab iyo Al Qaacidada Gacanka cadmeed kadib baaritaan ay sameeyeen.

Kaaliyaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dowladda Maraykanka ayaa shaaciyay Dowladda Maraykanka ka soo horjeedo in ay midaysan yihiin Alshabaab, Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida iyo Al Qaacidada ka dagaalanta Gacanka Cadmeed.

Mas’uulkaasi ayaa sheegay in ay suuragal tahay xariir aan buurneyn inuu ka dhaxeyn karo, laakiin aysan aheyn dad isku mid ah oo xariir wanaagsan oo qoto dheer leh.

“Ma aaminsani in Xariir dheer u dhaxeeyo Alshabaab, Kooxaha Burcad badeeda iyo Al Qaacidada ka howlgasha Gacanka Cadmeed, laakiin waxaa jira is kaashi ama iska warqabid aan buurneyn oo ka dhaxeeya dhinacyadaasi”ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.

Kooxaha Burcad badeeda ayuu sheegay in ay yihiin dad doonaya in ay lacago ku helaan Afduubka dadka bani’aadamka ah iyo Maraakiibta Caalamiga ah ee u raran dad ganacsato ah, laakiin ay ka duwan tahay Al Qaacidada dhaqamadaasi.

Waxa uu ku baaqay in maraakiibta la saaro kooxo hubaysan oo ka dafaaca maraakiibtaasi weerarada ay soo qaadaan kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo sida uu sheegay Xirfad shaqo ka dhigteen in ay qafaashaan maraakiibta.

Haddalkan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Dowladaha Xarakada Al-shabaab koox argagixiso ah kuna dareen Liiska waxa reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisada caalamiga ah.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku hanjabay inuu dib u qabsan doono dhamaan Degmooyinka gacantooda ka maqan

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in maalmaha dhow ay dib u qabsan doonaan degmooyinka gacantooda ka maqan, kuwaasoo ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG.

Duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune) ayaa hadalkan ka sheegay kulan Maamulkaas uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasoo looga hadlayay ammaanka.

Eng. Nuune ayaa sheegay in ay heystaan Ciidamo ku filan oo dib u hanan kara ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in Ciidamadaas diyaar u yihiin soo celinta amniga.

“Waxaan heysanaa Ciidamo nagu filan oo Dowladda Dhexe ay howl gelineyso, waxayna diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan ammaanka”ayuu yiri Eng. Nuune oo ugu baaqay Gudoomiyeyaasha 16-ka degmo in ay keenaan qorshahooda shaqo.

Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taliya Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ka howl galo degmooyin kooban oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Xisbul-Islaam oo nin rayid ah ku dilay Buur Hakaba

Maleeshiyada Xisbul Islaam ee ku sugan degmada  Buur hakaba ee  gobolka Baay ayaa   xalay   dil u geystay nin rayid ah oo xilligii la dilayay ku sugnaa gudaha Masjid ku yaala Buurhakaba.

Dablayda uu madaxda ka yahay Sh Xasan Dahir Aweys ayaa dishay nin lagu magacaabi jiray Cali Bushkuleeti oo ka mid ah dadka deegaanka, kaa oo ay ugu galeen masjidka Jaamaca, xilli uu tukaneyey salaada cishaha.

Wararka ayaa sheegaya in afar ka mid ah maleeshiyada xisbul islaam ay gudaha u galeen masjidka kadibna ay bannaanka ula soo baxeen ninka raadinayay oo ahaa Cali Bushkuleeti kaas oo markii dambe ku dileen banaanka masjidka.

Dadka degaanka ayaa falkaas ku reebay naxdin iyo la yaab maadama ninka la dilay lagala soo baxay gudaha masjidka isagoo salaadiisa cisho tukaday.

Goobjoogahasi ayaa sidoo kale tilmaamay in ay u adkeysan waayeen falalka dilka iyo dhibaatooyinka kale isugu ee ay maleeshiyaadkasi u geysanayaan dadka ku nool degmada Buurhakabo.

Arintaani ayaa waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed maleeshiyaadka Dowladnimada  Soomaaliya ka soo horjeeda ee ay ka midka yihiin dilka, boobka iyo tacadiyada  kale ee lagula kacayo shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee ay gacanta ku hayan maleeshiyaadkasi

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dablay ka amar qaadata Ibraahim Afqaan oo Kismaayo ku toogtay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa

Sarkaal katirsanaa Al Shabaab ee xooga ku haysta degmada Dhoobley  ayaa xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose iyadoo dilkaasi ay geysteen maleeshiyo isla shabaab ka tirsan.

Sheekh Daa’uud Cali Xasan oo ahaa Taliyihii Saldhiga degmada Dhoobleey ee Al Shabaab ayaa xalay Salaadii Cisho kadib waxaa lagu toogtay bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana la sheegay in ay toogteen kooxo hubaysan oo wejiyada soo xirtay kuwaas oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin isla shabaabka Kismaayo ku sugan.

Sheekh Abuukar Cali Aadan oo madax ka ah Al Shabaab Kismaayo ayaa xaqiijiyay dilka ninkaas oo ka tirsanaa isla dablayda shabaab.

Kooxda ninkan dishay ayaa waxay ka amar qaatan maamulkii hore ee Ibraahim Afqaan madaxda ka ahaa kaas oo dhawaan la bedelay.

Waa is ugaarsanaya kooxdii hore ee shabaabka maamuli jirtay Kismaayo iyo kooxda kale ee dhawaan loo dhisay maamul ku sheega shabaab ee jubbooyinka.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ethiopia PM willing to meet long-time Eritrean enemy

ADDIS ABABA (Reuters) – Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi said he is willing to meet Eritrean President Isaias Afwerki despite more than 10 years of bitter words and a bloody border war.

Eritrea last month accused Ethiopia of blocking its participation in African Union (AU) summits in Ethiopian capital Addis Ababa — seat of the 53-nation body.

Responding to questions, Meles denied the claims and said Isaias was welcome in Ethiopia.

“If the Eritrean government is eager to send any person, whether the president himself or any person, and participate in meetings they will be treated exactly like any other delegation,” Meles told reporters late on Thursday.

Meles said it was Addis Ababa’s obligation as AU headquarters.

The 1998-2000 war between two of the world’s poorest countries killed at least 70,000 people. An independent border commission in 2002 awarded the flashpoint town of Badme to Eritrea but Ethiopia still occupies the territory.

“I am prepared to talk to anybody on matters that help peace in the neighbourhood,” Meles said. “So as I have made it very clear on many occasions we are ready to talk to them at any level, at any time, any place.”

Meles did not say whether he was willing to discuss the border issue.

“I have no obligation to meet him at the airport,” Meles added.

In December, the U.N. Security Council imposed sanctions on Eritrea, accusing it of backing rebel groups in Somalia, where at least 21,000 people have been killed in violence since the beginning of 2007.

The sanctions, adopted in December and backed by 13 of the 15 members of the U.N. Security Council, include an arms embargo, travel restrictions and asset freezes for some of the country’s top officials.

Asmara says the Security Council is a proxy for the United States and says the multi-state body continues to ignore the fact that their territory is being occupied by Ethiopia, Washington’s strongest ally in the Horn of Africa.

Source: Reuters

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==