Afhayeenka Axmed Cabdi Godane oo la yira Cali xxx aya shaac ka qaaday in kooxdoodu anay daneeyneyn nabad in la waa xaajooda iyo wada hadal lagu dhameeyo dhibaatada Somaaliya, waxa u warkan sheegay isaga oo dhuumasho ku jira oo kolba meel inu joogo sheeganaya. “Anaga ma rabno wada hadal ayu yiri,” isaga oo waxa ugu yeeray shir jara’aid ku qabtay telefoon kolba geed lagula dhuumanayo. “Waxaan rabna dalka in shareecada Islaamka an hirgalino,” ayu u sheegay wariyayaal an weeydin karin sualo xaq ah ee dhib badan. Waxa kalo Cali dheere oo Godane u hadla u sheegay in Uganda iyo Burundi dalakooda lagu duuli doono. Waxa u ka jawaabayeey hadal ka soo baxay Dowlada Fedraalka oo ku baaqayay in xal iyo is-afgarasho loo raadiyo dhibaatada Somaaliya. Shabaan waxay rumeeysan yihiin in an la keeni karin nabad ila xukunka loo dhiibo maleeshiyadooda, dhulka ay maamulaana waxa la aaminsan yahay ineey ka dhigeen xabsi korka ka feeydan. Afhayeenku waxa u sheegay inu AadanYabaal joogo mudadi u hadlayeey balse arrinka si cad looma caddeyn karo.






