maleeshitada u dagaalama Axmed Cabdi Godane ee iskugu yeera shabaab aya lagu amray in wax sir dagaal ah anay la wadaagin kuwa u dirira Xassan Daahir ee iyaga isku tilmaama iney yihiin xisbul Islaam, sida laga helay sarkaal la yira Sheekh Maxmed Ibrahim oo ka tirsan shabaab.
Warku waxa inta u ku daray in in sirta ciidan laga qariyo dhamaan, an la ogolaan in xubno ka tirsan xisbul Islaam ay ka qeeyb qaataan dagaalo iyago wata telifoon xata haddi dan ciidan ay qasabto wada shaqeeyntooda. Waxa lagu eedeeyey dableeyda sheekh xassan ineey u fakan karaan dhinaca dowlada askartooda iyo waliba dhinaca Ahlu Suna wal jameeca.
Xiriirka dhinacyada ayaa aad u xumaaday marki dableey kala sheeganeeysa labada garab ay ku dirireen gobolka Jubada Hoose.
Foogeeynta ay shabaab ku haya xisbul Islaam waxa aad u wiiqeysa awooda Xassan Daahir oo ku tashanayay shabaab si ulu dagaalamo maamulka Sariif sheekh Axmed.
Waxa kalo joogsaday tababar la siin laha xubno xisbul Islaam ah oo loo gudbin laha aqoonta wax qarxinta. Billogi horeba barnaamijyada ismiidaaminta lama ogeeyssin jirin xisbul Islaam oo u ku jiro Xassan Daahir.







ascwwb waxaan ilaah ka baryaa labadaan koox inuu dhaxdooda dab ka kiciyo
inuu ilaah isku diro ,maxaa yeelay waxaa laga gooynayaa wixii ummadda
masaakinnta ay ka galeen
sheekh xasan ma aha nin ummadda u naxaayo
gaar ahaan ummadda deggan muqdisho
hadduu dagaal rabo maxuu u aadi waayay dhuusamareeb hadduu yahay nin rag
masaakiinta reer muqdisho maxuu ka rabaa
beeshiisa waxeey ku nool yihiin nabad laakin beesha degto muqdisho oo u badan abgaal silic ayeey ku nool yihiin
mar hore waxaan maqli jiray oo ku maahmaahi jireen odayaasha banaadir (beesha abgaal waa badan yihiin laakin barako malaha )
waryaa xamar abgaal ayaa leh iyo beelaha yar yar ee banaadiriga
haddii aat tihiin abgaal waxaan wada nooleen muddo ka badan kun iyo afar boqol sano weligeena isku ma dhicin
waxaan ku nooleen nabad iyo barwaaqo
aniga haddii aan ahay banaadiri waxaan eeda dusha ka saarayaa abgaal
maxaa yeelay waxaan wada nahay xamar iyo xamar daye
waxaa idinku waajibaa inaat difaacdaan gobolka banaadir iyo dadka deggan
kaddib aat ka saartaan tuugada al-sheeydhaan iyo xisbul-sheeydhaan
(WADA JIRBEEY LABA GAMCOOD WAX KU QABAN KARAAN AN IS WHESHANO WALAALAYAAL AN WADA JIRNEE WALAALAYAAL )
QORE .BANAADIR BIN XAMAR BIN MUQDISHO
WABILAAHI TOWFIIQ
sxb waxaan kuu cod sanayaa in aad sii wadid howlaha macaan ee umada soo maaliyeed umadid