Labo ka mid ah kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa Maxkamada lagu soo taagayaa Magaalada Madrid Wadanka Spain kadib markii ay qabteen ciidamada badda ee wadankaasi. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga ee wadanka Spain ayaa waxaa uu sheegay in rag looga shakisanyahay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaali ah oo ka qeyb qaatay Afduubka Markab kuwa kaluumaysiga ah oo laga lahaa dalka Spain oo ilaa iyo hadda ay gacata ku hayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida loo qaaday maalintii shalay Magaalada Madrid ee xarunta wadanka Spian si halkaasi loogu maxkamadeeyo. Labada nin oo aan magacooda la shaacin ayaa ciidamada badda ee wadanka Spain waxaa ay gacanta ku dhigeen xili ay isku dayayeen in ay gaaraan xeebaha ay ku hayaan Markabkaasi kuwa kaluumaysiga ee laga lahaa wadanka Spain wax yar uun kadib markii ay ka qafaasheen gudha badweynta Hindiya 2-dii bishaan. Ragaani labada ah ee Soomaaliyeed ee loo qaaday caasimadda dalka Spain ayaa la sheegay in maanta oo talaado ah maxkamad lagu soo taagi doono magaalada Madrid. Xumuuda Spain ayaa ka dalbatay dowladda KMG ee Soomaaliya in gacan ay ka siiso sidii loo sii deyn lahaa markabka kuwa kaluumaysiga ah iyo shaqaalaha saaran oo gaaraya 36 badmaaxi oo kooxaha burcad badeedu ay ka qafaasheen badweynta Hindiya. Dadka la socda Markabkaasi ayaa u kala dhashay wadamada Spian Indonesia Shishalis Madagascar iyo Senegal,waxaana dowladda Spian ay hadda ka hor isku dayday in ay maxkmadeyso kooxo burcad badeeda Soomaali ah hase yeeshee kama dambeystii ayey go’aan ku gaartay in ragaasi ay ku wareejiso dowlada Kenya. Badmaaxiyaal fara badan ayaa waxaa ay cabsi ka muujiyeen falalka kooxaha burcad badeeda xeebaha Soomaaliya oo sare u sii kacayay bilihii ugu dambeeyay,waxaana sanadkii la soo dhaafay kooxaha burcad badeedu ay sii daayeen Markab laga lahaa dalka Spain iyo shaqaalihii la socday ka dib markii ay qaateen Lacag madax furasho ah.
Xigasho – Shabelle Radio






