Xubno labisan direeyska dowlada Somaaliya ama ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka ee ku meel gaarka aya dhaca baahsan oo soo noqnoqonaya ka geeysanaya jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgoia iyaga ku kalifay shabacka halka gaadiidka ku marya iney dhibaato badan ka sheegtaan.
Dhibaatada ay geeysanayaan askartan aya la xiriira hunguri fool xun oo keeney tuugo cad dhib u keentay magaca ciidanka iyo kalsoonida lagu qabi karo dowlada.
Askartan oo inta badan an helin mushaar aya ku dhaqaaqaya iyago oo aqoonsan dadka ay dhacayaan laftoodu iney yihiin faqiiriin.
Sidoo kaleh askartan laalush ayeey ka qaataan wadayaasha gaadidka.
Si kasta oo ay taheyba ma jiro sabab lagu difaaco tuugo iyo boob xata haddi ay waayeen lacag iyo mushaar.
Waxa ayguna ku haya boob maldahan maleeshiyada shabaab oo qaadeeysa wax ay ugu yeeraan cashuur, inkastoo diinta ay diido cashuur.
Kooxdu waxa ay sheegata iney u dagaalamayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.






